Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Xilal U Magacaabay Masuuliyiin Jeel Ogaadeen Maamuli Jiray

Addis-Ababa, (Aftahannews)-Ha’yadda Human Rights Watch ayaa warbixin kasoo saartay xaaladda xuquuqul insaanka ee dalka Itoobiya gaar ahaan dhacdooyinkii waaweynaa ee ka dhacay deegaamada qaarkood oo uu ka mid yahay deegaanka Soomaalida.
Hay’addu waxay sheegtay in Jeel Ogaadeen oo ay ka dhaceen tacaddiyo binu-aaddannimada ka baxsan aanay shacabku wax war ah ka haynin halka ay marayaan dacwadaha dadkii loo haystay inay dhibaatooyinka ka geysteen muddo sannado ah oo dadka lagu ciqaabi jiray, qaarkoodna lagu dhex-dilay.


Human Rights Watch waxay xustay in aan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen dadkii loo haystay inay tacaddiyada ka geysteen Jeel Ogaadeen, kuwaas oo qaarkood uu Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Mustafe Muxumed Cumar xilal uga magacaabay xukuumaddiisa, gaar ahaan shaqsiyaad madax kasoo noqday Jeelka oo waqtiyadii ay joogeen ay dad badan ku dhinteen, kuwo kalena si arxan daran loogu dilay.
Warbixinta Hay’addu soo saartay oo ku qotontay dalka oo dhan, waxa lagu xusay in aan wax horumar ah laga gaadhin dhinaca la xisaabtanka dembiileyaashii dhibaatada u geystay shacabka oo halkii caddaalada la hor keeni lahaa xilal loo dhiibay qaarkood.
Muuqaallo laga soo duubay dadkii sannadaha badan ku xidhnaa Jeel Ogaadeen oo laga baahiyey SRTV ayaa waxay si qiiro leh ugu soo bandhigeen masuuliyiin uu Madaxweyne Mustafe xilal u dhiibay dhowaan oo waqtiyadii ay Jeelka madaxda ka ahaayeen cuntada ka mamnuucay maxaabiista, taas oo sababtay in boqollaal qof ay dhintaan.
Dadka qaarkood oo laga daawaday SRTV ayaa waxay sheegeen in qiyaastii marka saddex meelood loo qaybiyo maxaabiistii ku jirtay jeelka ay hal meel u dhimatay gaajo xilliga masuuliyiinta Madaxweynuhu xilalka iyo qandaraasyada iskugu daray ay madaxda ka ahaayeen.
Madaxweyne Mustafe oo ku jiray dadkii dhibaatooyinka bada loo geystay qoyskiisa waqtigii maamulkii Cabdi Ilay uu xukunka hayey, ayaa hadda lagu eedaynayaa inuu hoosta soo gashady kuwo badan oo ka mid ah dembiileyaashii oo uu ka dambabasayo tacaddiyadii iyo dunuubtii ay galeen, taas oo la rumaysan yahay inay tahay ujeeddooyin iyo dano siyaasadeed oo uu ka arkayo inuu ka helayo, taas oo shaki gelinaysa shacabka.
Waxa kale oo Madaxweyne Mustafe garbihiisa tuban, shaqsiyaad ku kacay falal dhaqanka Diinta Islaamka ka baxsan ku kacay oo Madaxweynihii hore ee Cabdi Ilay uu ka xishooday inuu bulshada ku dhex-daayo, kuwaas oo Mustafe uu kasoo saaray xabsiyadii ay ku jireen, kaddibna u dhiibay xilal.
Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda ayaa muddooyinkii u dabeeyey ku kacaysay falal lid ku ah xorriyadda hadalka, waxaanay albaabada u laabtay telefishanka Universal oo baahiyey dad cabaya, waxaanay shaqooyinka laga caydhiyey shaqaale dawladeed oo laga arki waayey u nacamlaynta madaxweynaha.