Man.United Oo Iska Xaadirisay Wareega Afraad Ee FA Cup-ka

Manchester United ayaa u soo baxday wareega afraad ee koobka FA Cup, kaddib markii ay ka reebtay kooxda Wolverhampton oo ay kaga adkaatay 1-0, xilli kulankan uu ahaa kulan ku celis ah wareega saddexaad ee tartankan, kaddib markii kulankii lugta hore ay ku soo kala baxeen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay bar-bardhac 0-0 ah. Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

 

Daqiiqadii 67-aad kooxda Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay Juan Mata, kaddib markii uu si qurux badan kaga caawiyay goolkan saaxiibkii Anthony Martial.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 1-0 ay kaga adkaatay Man United kooxda Wolverhampton oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford, waxayna Red Devils u gudubtay wareega xiga ee afaraad tartanka FA Cup.