Magacyada Lix Qof oo Dowladda Somaliland Dil Toogasho ah Ku Fulisay iyo Goobta lagu Qisaasay

Hargeysa(aftahannews):- Dowladda Somaliland, ayaa Dil Qisaas toogasho ah ku fulisay Lix Qof oo hore xukunno dil ah loogu riday, isla markaana muddo fulin sugayaal ku ahaa Xabsiyada dalka, ka dib markii ay mid kasta oo lixdaa Ruux ka tirsan ku caddaatay inuu dil geystay.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka oo faahfaahsan oo qofkasta kiiskiisa, xilliga uu dhacay, waxa uu geystay iyo dilka lagu fuliyey Arbacadii maanta, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Iyadoo la fulinaayo amarna maxkamad sarre waxaa , saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay Gacan ku Dhiiglayaashan hoos ku xusan.

1: Gacan ku dhiigle  Axmad Ibraahin Faarax.  Ina Aamina Maxamed , kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay EX-ASK-pol marxuun maxamed Cabdi saleebaan.

2: Gacan ku dhiigle Xasan muxumad cismaan  Ina shukri Yuusuf,  kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun ismaaciil faarax maxamad.

3: Gacan kudhiigle khadar Aleel xirsi  Ina maryan cumar, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay  marxuun siyaad Cabdi muxumad .

4: Gacan ku dhiigle Farxaan maxamad Xasan  Ina khadiija khaliil, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse.

5: Gacan ku dhiigle Caydaruus khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac.

6: Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd  ina Faadumo Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Garaad Aadan Maxamad.

Goobta Qisaasta:-

Waxaa dilkaasToogashada Qisaasta ah lagu Fuliyey Goob fagaare ah Taas oo ka soo Horjeeda Xabsiga Mandheera.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalka aftahannews helay ee ka soo baxay Xeerilaalinta guud ee Somaliland.

Sidoo kale, Warkaas waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysigan hoose ee ka bogasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.