SONYO: Haggaha Sumcadda Dhallinyarradda . Qallinkii Cabdifataax Shaafi

 Waxa aan marka hore Hambalyo u dirayaa maamulka cusub ee ay yeelatay dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO.Kuwaas oo hoggaamin doonna Dalladda Dhallinyadda saddexda sanno ee soo socda.

Marka labaadna waxaan rabaa in aan wax-yar ka iftiimiyo caqabbado dhowr ah oo Horyaalla ka gudbidoodda iyaga laga sugayo mudada yar ee ay xilka hayaan,kadibna aan taladeyda ku darsado maadaama aan dhallinyaradda ay metelaan ka mid ahay.

Sida aynnu la wada socono Dallada Dhalinyarada ee SONYO waxaa ku mideysan ururadda dhalinyarada ee Somaliland. Haddaba waxaan rabaa bal in aan dib ugu yarra noqdo Taariikhada dallada oo kooban iyo ujeedooyinka loo aasaasay.

Dalladdan kulmisa dhalinyaradda waxaa la aasaasey sannadkii 2003-kii, waxa aynna ka kooban-tahay ku dhawaad afar iyo konton(54) urur oo kala matalaya dhamaan gobolladda Somaliland. waxaanna soo maray  masuuliyiin kala duwan mudadii ay jirtay. Ujeedooyinka ugu waaweyn ee dalladan loo aasaasay waxaa ka mid ahaa, maadaama dhalinyaradda Somaliland ay yihiin tirada ugu badan ee bulshada, wadankuna uu ahaa wadan iska curdin ah, in laga faaiideysto awooda dihin ee dhalinyarradda si hore loogu socdo iyo in dalladanni ay u noqoto garoon ay isku muujiyaan dhallinyarradda hamiga ka leh siyaasadda wadanka.

Arrimahan iyo qaar kale oo badan waxay ahaayeen waxyaabaha bar-bilowga u ahaa yegleelidda dalladan. Runtii waxay aheyd fikrad wacan oo keentay waxooga horumar ah, inkasta oo ay ku lammaan yihiin dhalliilo fara-badan.

Sida aynnu naqaano marka qof uu la wareego ama loo magacaabo xil cususb waxa iska caadi ah in uu waajahayo caqabaddo ha-yaraadaan ama ha bataane taas oo waxa ugu yar ay tahay deegaan cusub iyo waliba dad cusub.

Marka laga yimaado kuwa hoose ee aan dadka dibada u muuqan waxaa jira caqabado waaweyn oo dhalliyarradda reer Somalilandna ay intooda badanni isku raacsan-yihiin loo baahanyey in laga gudbo horeynna looga socdo,  kuwaas oo ay ka mid yihiin  horu socod la’aan iyo ka weecasho wadadii loo aasaasay taa bedelkeedanna ay dalladdu ay cagaha kula jirto Qabyaaladda ina aafaysay sidoo kale dhalliyaro badanni ay qabaan in dalladu ay ka weecatay shaqadeedii noqotayna xarun siyaasadeed  loona baahanyay in lagu soo celiyo ujeedadii loo aasaasay, dhanka kale waxaa jira caqabado ah in tirada ururada ee ku bahoobay dalladu loo baahanyay in la kordhiyo, ururadan oo  ka kooban 54 urur oo ah intii lagu bilaabay waqtigii hore ee la aasaasay. iyadoo aan la socono in maalin walba ay ururada maxaliga ahi soo kordhayaan, tani waxay ka mid tahay caqabadaha horyaalla maamulka cusub waana ta ugu weyn ee laga sugayo in lagu sameeyo isbedel, waxaa iyanna dhacada is-qabqabsi marmar badan dhacday oo la arko intooda badan marka qolo hore ay xilka ka sii dagayaan imtixtaanadda loo galay jagooyinka cusub.

Waxa kaloo jirta tabashooyin aad u fara-badan oo dhammaan gobollada ka soo yeedhaysa maalin walba oo ay dhallinyarro badan ka qabaan dallada sida aynnu maalin walba ka daawanno aaladaha warbaahinta.waxaa marag madoonna in caqabaddo kale oo aad u badanni ay horyaallaan masuuliyiinta xilka cusub la wareegay.

caqabadahaa aan kor ku soo sheegnay mayara xalkoodu iyadoo ay ku xidhan-tahay ka go’naanshaha xalkoodda masuuliyiinta cusub.

Sidaa daraadeed kala hufida iyo kala shaandheynta howlaha idin horyaallaa waa shaqadda koobaad ee idiin horseeddi doonta maxsuulka aad rajeynaysaan in aad dhawaan ka heshaan dhallinyarradda Somaliland.

Daacadnimaddunna waa sheyga ugu weyn ee aan is-leeyehay waxa uu wax badan ka-tari doonaa kor u qaadida sumcada dalladda, waxaynna dib u soo celin karta kalsoonni hor leh oo xaga dhallinyarradda ah. Daah-furnaanta ayaa iyadnna ah shey-yadda ugu muhiimsan ee la rabbo in ay dalladdu wax ka bedel ku sameyso.

Ugu dambeyn waxaa jira dhallinyarro badan oo fikrado aad u wacan haya balse aan heysan garab xagga qarashka ah gacan siinta dhallinyarradaas haddii ay tahay tallo ama wax kaleba waa shey door muhiima ka qaadan karo sumcadiinna mustaqbalka Fog.