Farxaddaydii, Waan Helay …………..Qalinka Siciid Khadar

Isagoo degdegsan oo faraxsan buu ii yimid. Ku ye ‘ waar Saaxiib, ma xasuusataa taladaad I siisay 8 sanno ka hor. markaan siday ahayd u qaatay waan ka faa’iday.’ Markaasaan Aniguna, ugu jawaabay ‘ILaahay-baa ku waafajiyey ee ugu Mahadnaq’
Ninkan aan sheegayaa, waa Saaxiibkay Sakariye oo imika ka hor ahaan jiray Nin ehlu-mirqaan ah. Waliba nooca jaadku daashaday, noloshiisana baabiiyey. Kana hor istaagay inuu shaqaysto oo cibaadaysto. Muddadii uu jaadka cunayay waxa la soo darsay duruufo qadhaadh oo kala duwan. Wuxu assiibay xannuunada Macaanka Iyo Gaastariga. Ilaa markii dambe ay xaaskiisii iskaga carartay oo qoyskiisii ku sigtay inuu burburo. Hasa yeeshee, Markii dambe, go’aan adag ayuu jaadka ka qaatay oo joojiyey.

8 Sanno ka dib.
Maanta Sakariye wuxu ku nool yahay nolol farxad leh. Wuxu xifdiyey sodonka jus ee Qur’aanka kariimka ah Iyo Axaadiis tiro badan. Wuxu ii sheegay inuu labada rakcadood ee ka horeeya sallaada subax uu Masaajidka ku tukado. Markii uu jaadka joojiyey wuxu helay shaqo wanaagsan. Waqtigana waa shaqeeyaa, waqtigana waxbuu bartaa. Wuxu dib u helay reerkiisii Iyo caruurtiisii oo waxay ku nool yihiin, nolol farxad leh.

8 Sanno ka hor.

Goor caways dambe ah, ayuu Sakariye guriga iigu yimid. Habeenkaasi waxa ka muuqday niyad-jab wayn, werwer Iyo quus. Wuxu ka cabanayay dhibaatada jaadku soo gaadhsiiyey. Laga soo bilaabo maalintii uu bilaabay cunista qaadka inay soo gaadhay dhibaatooyin tiro badan. Kuwaasoo markii dambe gaadhay heer uu qoyskiisii ku burburo oo shaqadiisii ku waayo. Waliba, baleads darteed aanu garanaynin goor ugu dambaysay inuu cibaadaysto oo ILaahay caabudo. Sakariye, habeenkaasi dhibaatada iyo hagardaamada jaadka aad buu uga cawday. Waxaanan jeclaystay inaan idinla wadaago qodobadii ugu muhiimsanaa ee uu habeenkaasi iiga sheekeeyey. Waxaan ka xasuustaa 25kan qodob, isagoo ku bilaabay:

1. Markii Aniga Iyo naftaydu jelclaysanay ruugista Iyo raamsiga Qaadka. kuna raaxaystay qiiqa, qadhmuunka iyo jac-jacda sigaarka.
2. Markii Aniga Iyo naftaydu caadaysanay ka sheekaynta majlisyada fadhi-ku-diririka ah. Oo lagu gaadho saacado dambe oo habeenkii ah.
3. Dhaqankaasina yahay kii keenay inaan barqada tooso oo tahli waayo kalahaadaydii aroornimo.
4. Hab-dhaqankaasina yahay ka aakhirkii sababay in shaqadii layga soo eryo.
5. Dayaw-gaaasina noqday kan meertadii noloshayda ku soo koobay seddex xaaladood oo kala ah: Mar aan mirqaansanahay, Mar aan qaadiraysanahay Iyo Mar aan xaraaraysanahay.
6. Habaw-gaasina noqday kii keenay inay meesha ka saaraan noloshaydii iftiimaysay ee farxadada ku dhisnayd, cibaadadaydii iyo guud ahaanba qofnimadaydii.
7. Farxadaydaasi luntay-na ay lumisay gabi ahaan-ba farxadii, badhaadhihii iyo kal-gacalkii qoyskayga.
8. Farxadaydaasi luntay-na ay lumisay gabi ahaan-ba dhaqaalihii qoyskayga,
9. Farxadaydaasi luntay-na ay mugdi galisay mustaqbalkii qoyskayga iyo jahwareerka qoyskayga ku dhacay. Meeshana ka saartay inaan siduu ahaa uga soo baxo, guud ahaan xilkii ILaahay dushayda saaray, gaar ahaana masuuliyada reerkayga.
10. Farxadaydaasi luntay-na ay tahay tan meesha ka saartay wada-joogistii, weheshigii iyo wada-tashigii aniga iyo qoyskayga, gaar ahaana xaaskayga aan jeclahay.
11. Farxadaydaasi luntay-na ay tahay tan ka dhigtay inaan noqdo Addoon afkiisa u dawarsi taga, halkii aan hor ILaahay uga raadsan lahaa masaariifta reerkiisa.
12. Farxadaydaasi luntay-na ay tahay tan si yar, si yar meesha uga saartay barbaarintii, ciyaarsiintii iyo kool-koolintii seddexdayda caruura.
13. Farxadaydaasi luntay-na ay lumisay gabi ahaan-ba ka war hayntii iyo la socodkii xaaladaha gaarka ah ee qoyskayga.
14. Farxadaydaasi luntay-na ay tahay tan keentay inay meesha ka baxdo la socodka casharada loo soo dhigay labadayda mataanood ee Xasan Iyo Xuseen iyo inaan garab ka siiyo oo kala shaqeeyo duruusta laga rabo inay diyaariyaan amaba guriga kaga soo shaqeeyaan.
15. Farxadaydaasi luntay-na ay tahay tan ii diiday inaan inantayda Warda mar hadday waynaatay aan waxbrashada ku daro,
16. Farxadaydaasi luntay-na ay tahay tan keentay inay naftaydu is diidsiiso, dhagaha ka furaysato oo indhaha ka laliso tallooyinkii wax-ku-oolka ahaa Iyo waanooyinkii nasteexa ahaa ee xaaskaygu I siinaysay. Kuwaasoo Salka ku hayay joojinta jaadka Iyo inaan ka leexdo wadiiqooyinkaasi qodxaha badan ee aan cagta saaray.
17. sidoo kale inay naftaydu dhibsato tallooyinkaasi kuwii la midka ahaa ee ay I siinayeen kooxdaan u bixiyey ‘MA-HURAANKA’ kooxdaasi oo kala ah: Hooyaday, Eedaday iyo qaar ka mid ah asxaabtayda oo aan ka xusi karo, Fahad Xuseen, Faysal jaamac Iyo Cabdi yard.
18. Farxadaasi luntay-na ay tahay tan keentay inay meesha ka baxdo nadaafadii jidhkayga iyo inaan dan ka gelin dharka uskaga ah ee aan ku labisanayo.
19. Farxadaasi luntay-na ay tahay tan keentay inay meesha ka baxdo caddaankii ILKAHAYGA, badhkood daataan inta kalena madoobaadaan oo suus yeeshaan.
20. Farxadaasi luntay-na ay tahay tan ii eekaysiisay gaadhi dhacay, cimrigaygiina seddex jibaartay.
21. Farxadaydaasi luntay-na ay tahay tan Meesha ka saartay booqashadii aan subaxyada hore ee maalinta jimcaha ugu tagi jiray Habaryarahay, eedooyinkay Iyo qaar ka mid ah guryaha Tolka si aan xaalkooda waxa uga soo ogaado.
22. Farxadaydaasi luntay-na ay tahay tan keentay inaanan ka war helin xaalada ay ku sugan tahay Hooyaday macaan oo aanu nahay daris isku dhaw.
23. Farxadaydaasi luntay-na ay tahay tan keentay in hadh madaw kala dhex galo xidhiidhkii wanaagsanaa iyo kalgacalkii ka dhaxeeyey Hooyaday macaan iyo Xaaskayga qaalida ah.
24. Farxadahaasi Iyo kuwo kaleba markii ay lumeen, waxay keeneen dhibaatadii ugu waynayd, ceebtii ugu waynayd ee aan garawshiyaha lahayn. Waa markii ay maalin cad gurigii ka qaxeen xaaskaygii Iyo caruurtaydii kolkii layga waayay garawshiiyo, masruuf, daryeel iyo inaan masuuliyadaydii ka soo baxo.
25. Shax-guurkaasi igu dhacay, wuxu shax-guuriyey, qorshayaashii uu nolosha ka lahaa, yoolalkii u dajisanaa Iyo Gabi ahaanba barwaaqadii uu ku taamayay.

Gabagabo:
Sidaynu dareemayno, dhibaatadaasi ma aha kuwa u gaar ah Saaxiibkay Sakariye. Waa mushkilad haysata bulshadeena badankeeda. Tiro Laguma sheegi karo inta qoys ee uu burburiyey qaadku, inta qof ee waxbarashadoodii ku seegtay. Inta qof ee xiskoodii ku wayday! Inta qof ee shaqadoodii ku waayay! Inta qof ee guurkii ku seegay! Iyo inta qof ee nolosha ka dhacay.

Waxaan ILaahay ka baryayaa inuu ka dabiibo inteena cunta, inta kalena ka badbaadiyo.
Wassalaamu Calaykum.

Wq. Siciid Khaddar aw-cabdillaahi,
27th Dec. 2019.
Hargeisa, Somaliland.