“Xidhiidhka Innaga iyo Dadweynaha innoo dhexeeya waa inaynu Wanaajinno..” Taliyaha Booliska Somaliland

TALIYAHA BOOLISKA SOMALILAND SAQADHI DABAGALE 2019
TALIYAHA BOOLISKA SOMALILAND SAQADHI DABAGALE 2019

Waxa Qoray: Mawliid Maxamed Siciid – Taliyaha ciidanka Booliska JSL Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale). Waa masuul ay ka go’antahay kor u qaadida iyo hagaajinta Tayada iyo Discipline-ka ciidanka Booliska Somaliland.

TALIYAHA BOOLISKA SOMALILAND SAQADHI DABAGALE 2019
TALIYAHA BOOLISKA SOMALILAND SAQADHI DABAGALE 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Iyadoo Taliyuhu uu muddo bil ah hayay xilka jananka ciidanka Booliska ka sokow ilaalinta Nabad gelyada iyo qaranimada oo uu gacan birr ah ku qabtay isla markaana adkeeyay ayaa markiiba waxa uu bilaabay kor u qaadida Niyadda iyo Moral-ka ciidanka Booliska. Iyadoo gobolada dalka qaar kamid uu ugu safray inuu dul istaago xaaladda guud ee ciidanka iyo sida ay u gudanayaan Waajibaadkooda shaqo ee ay qaranka u hayaan.

General Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale). Marka laga yimaado Aqoonta iyo waayo aragnimada uu u leeyahay arrimaha ciidanka, waa Daaci u taagan wanaag farridda iyo xumaan reebidda Bulshada, kaasi oo ku wacyigeliya Ciidanka iyo shacabkaba inay toosnaadaan isla markaasna awaamiirta allah ee ay ina farayso diinta islaamku fuliyaan taasi oo ay kow ka tahay Salaaddu acmaasha khayrka ah ee soo raaca.

Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale). waxa uu kaga duwan yahay Jananadii ka horeeyay inuu Ciidanka booliska aad ugu dhiiri galiyo inay ka fogaadaan Khiyaanada, Beenta, Laaluushka iyo dhaqan xumada, isla markaana shaqada daacad u noqdaan oo ay wanaajiyaan xidhiidhka u dhexeeya ciidanka Booliska iyo shacabkooda ay u addeegayaan.

Sidoo kale waxa uu Ciidanka Booliska markii ugu horaysay ka mamnuucay Maan-dooriyaha Qaadka kaas oo waxwayn u dhimaya sharafta iyo karaamada ay huwan yihiin ciidanku.

Isagoo u qudbadeynaanay Askarta ciidanka Booliska isla markaasna ka wacyi gelinaya Jaadka iyo dhibaatadiisa ayaa waxa uu yidhi.

“JAADKU SADDEX GOORBA WAA MAMNUUC-

Goobta shaqada ee Station-ka marka la joogo waa mamnuuc, marka ciidanku labisan yahay ee diraysa gashan yahayna inay qaataan Jaadku waa mamnuuc, Gaadhiga Ciidanka Booliska ee leh astaamaha ciidankanu waa mamnuuc inuu u istaago oo uu jaadka iibsado. Ninkii doonaya inuu rasaas isla dhaco aqalkaaga dhexdiisa iskula dhac” .

General Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale).Waxa kale oo uu ballan qaaday isaga iyo ciidanka uu xukumaba inay cadaaladda ugu addeegi doonaan shacabkooda isla maarkaasna ku xukumi doonaan. Waxaanu xusay cid kastaaba waxa ay xaq u yeelato in la siin doono.

Mudadii bisha ahayd ee uu xilka hayay taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale). waxa uu joojiyay mudaharaad uu guddoomiyaha xisbiga Waddani ugu baaqay taageerayaashiisa inay isugu yimaadaan. Waxaanu sheegay inaanay aqbalaynin waxaan sharci lahayn, iyadoo ciidanku Boolisku uu joojiyay inay isu yimaadaan taageerayaasha Xisbiga Waddani.

Taliyuhu isagoo arrintaas mudaharaadka ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi; “Mudaharaad aan sharci lahayn inuu dhaco ama umadi inay soo ururto marka dambena waxay doonto samayso aan sharciyaysnayn ma yeelayno”.

Si kastaba ha ahaatee taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale).marka la eego talaabooyinka uu qaaday waxa ka go’an in ciidanka Booliska uu kor u qaado horumarintoda isla markaana shacabka loogu addeego si cadaalad ah oo aan lahayn ku xad gudub dhanka xuquuqdooda ah. Sidoo kalena waa mid u feejigan ilaalinta iyo adkaynta Nabad gelyada JSL guud ahaanteed.

Waxa Qoray: Mawliid Maxamed Siciid

Hargeysa/Somaliland.