Cabdiraxmaan-Cirro oo Tacsi Diray

TACSI

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN كل نفس ذائقة الموت

Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Hooyo Indho-deeq Jaamac Cumar oo xalay ku geeriyootay 22/12/2019 Magaala madaxda Gobolka Togdheer ee Burco.

Waxa aan si gaara ah uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Qoyska reer Kaahin guud ahaan, gaar ahaana, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ay hooyadii ahayd marxuumaddu.

Waxa aan marxuumadda Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aammiin…Aammiin Aammiin.