Daawo Dood Xasaasi ah oo lagaga Hadlay Midnimada iyo Kala Go’a Somaliland iyo Soomaaliya

Djibouti(aftahannews):- Dood xiiso badan oo lagu falanqeeyey suuragalnimada Midnimada iyo kala go’a Somaliland iyo Soomaaliya, sida dib loogu bilaabi karo wadahadallada labada dhinac u socday sannado ka hor ee istaagay iyo caqabadaha arrimahaas iyo kuwo kale oo Hargeysa iyo Muqdisho ka dhexeeya ku gedaaman waqtigan, ayaa lagu qabtay magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Dooddan oo uu soo qaban-qaabiyey Maxadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho, ayaa Shirkiisa 3-aad ee Madasha Aragti-wadaagga Soomaalida oo lagu qabtay Jabuuti, waxaa ka qaybgalay Masuuliyiin ka kala socda Soomaaliya, Somaliland, Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Masuuliyiinta Jabuuti, Masuuliyiin, Siyaasiyiin, Qorayaal, Madax iyo Marti-sharaf meelo badan oo Afrika iyo dibedaha kaleba leh.

Waxaa dooddan ka wada qaybgalay Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Musharraxa Madaxweyne ku-xxigeenka Xisbiga UCID Prof: Axmed Cabdi Abyan, Sucaad Carmiye iyo Prof: Bulxan oo Reer Somaliland ah, halka dhinaca Soomaaliya uu doodda u metelayey Prof: Afyare Cilmi oo Jaamacadaha Muqdisho wax ka dhiga, Wasiirro iyo Xildhibaanno si guud uga qayb-qaadanayey oo ka socday dhinaca Soomaaliya.

Haddaba, Dooddani siday u dhacday, xogaha xiisaha leh ee lagu iftiimiyey, sida ay Dadku uga qayb-qaateen iyo guud ahaanba sida ay u dhacday muddada ay socotay oo laba Saacadood iyo dheeraad ahayd, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.