Nabadda Geeska Afrika Waxay Ku Xidhantay Heshiis Dhex-mara Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada

MUSHARRAX Cabdiraxmaan Cabdullaahi Dhubad
MUSHARRAX Cabdiraxmaan Cabdullaahi Dhubad

Qore Musharrax Madaxweyne ee Jubaland Prof: Cabdiraxmaan Cabdullaahi Dhubad

Qowmiyada Soomaliyeed ee geeska Afrika iyo Qowmiyadda Oromiya ee qaybta ka ah Bulshada ku dhaqan dalka Itoobiya 127 sano ee ugu  dambeeyey waxaa  faragelin Diineed iyo siyaasadeed ku hayey reer Galbeedka oo taageero la garab-taagnaa Madaxdii Kaniisadaha Itoobiyo iyo Talisyadii soo marey Itoobiyo.

MUSHARRAX Cabdiraxmaan Cabdullaahi Dhubad
MUSHARRAX Cabdiraxmaan Cabdullaahi Dhubad

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kuwaas oo kala ahaa; 1. Boqor Mililik oo dagaal xun la galay Qowmiyadda Oromada iyo Qowmiyadda Soomaliyeed illaa uu ka qeybgalay qeybsiga gumeysigii shanta Soomaaliweyn.

  1. Xayle Salaase oo Soomaaliya ku sheegey in ay tahay reer ka mid ah reer-weynaha Itoobiyo, isla markaana aan loo baahneyn in xorriyad la siiyo Soomaaliya. 1960-kii sidoo kale Xayle Salaase wuxuu dhibaato weyn u geystey Qowmiyadda Oromada oo uu ku sheegey Shufto Soomaaliya ka timid oo Itoobiya sheegad ku ah dalkooda.
  2. Xayle Maryam oo dagaal xun la galay 1964 iyo 1977 Soomaaliya, una horseeday jabka iyo kala daadsanaanta maanta jirta. Sidoo kale Xayle Maryam Oromada dhawr kun oo Oday-dhaqameed ayuu ka diley, isagoo sheegey inay Soomaaliyoobeen oo la tirtiro, gaar ahaan goballada Baabili, Gindhir, Goobe iyo Harar.
  3. Males Zanaawi oo ahaa kii ugu darnaa sida taariikhda gashay, oo 20-kii sano ee ugu dambayeeyey sababay in Soomaaliya mixnad iyo federaal Qabiileed qoorta loo geliyo, si mar labaad dib loogu kala qeybiyey Soomaaliya ugu dambaysay 4.5 iyo federaal Qabyaaladaysan nagu qasbay.

Sidaas oo kale iyo ka daran, ayaa Qowmiyadda Oromida iyo Canfarta loo dhibaateeyey 127-ka sano ee dhibaatadu socotey.

Anigu waxaan aammin sanahay in dhibaatada Qowmiyadda  Soomaliyeed ee geeska Afrika iyo dhibaatada Qowmiyadda  Oromiya  hal meel laga soo dhoofin jirey oo Madaxdii soo martey Itoobiyo oo taageero ka helayay reer Galbeedka ay sameeyeen doqonnimo iyo xagjirnimo Diimeed iyo mid siyaasadeed oo lagu dhibaateeyey labada Qowmiyaddooda ee ugu tirada badan geeska Afrika waa Soomaaliya iyo Oromo.

Marka aad qiimayso xaaladda maanta ka taagan Itoobiyo iyo Soomaaliya waxaan arkaa in ay jiri karto fursad lagu dhisi karo Soomaaliya xor ah oo nabad ah iyo Ethiopia xor ah oo nabad ah.

Haddaba, Maxaa isbeddelay?

127-ka sano ee Soomaaliya loo burburinayey Dhaqan ahaan, Diin ahaan iyo Siyaasad ahaan, waxa sidoo kale la burburinayey Shacabka Qowmiyadda Oromada oo Muslim ah badi, tiro ahaanna ah 50% Itoobiyo oo dhan!

Sababtuna waxay ahayd dhaqanka Diimeed iyo midkii darisnimo siyaasadeed ee Qowmiyada Somalia iyo Qowmiyada Oromiya ka dhaxeyn jirey laga soo bilaabo 1888 illaa 1955 iyo 1991, xidhiidhkaasi wuxuu ku salaysnaa in Qowmiyadda Soomaliyeed iyo Qowmiyadda Oromidu ay yihiin walaalo, arrintaas waxaa qabay oo ku soo shaqeeyey Madaxdii SYL illaa 1960-kii illaa 1990-kii.

Sidoo kale Madaxdii gobannimo-doonka Oromiya 125 sano waxay qabeen in Qowmiyadda Soomalidu ay tahay walaal (brother in law) dhinaca Diinta Islaamka iyo dhinaca danta guudba. Sidaa darteed, waxaan qabaa in samaystaan bayjaj iyo habab cusub (new chapters) labada Qowmiyadood, si ay uga gudbaan caqabadaha jira iyo dagaallada kuwa muuqda iyo kuwa aan muuqanba isugu jira ee lagu hayo.

والله المستعان

Qore Musharrax Madaxweyne ee Jubaland

Prof: Cabdiraxmaan Cabdullaahi Dhubad

Mrbakool@gmail.com

Muqdisho/Soomaaliya.