Wasiir Siciid Sulub Sidee loogu Soo Dhaweeyey Hargeysa Magacaabistii Ka Dib, Muxuuse yidhi?

Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka dhawaan Madaxweyne Biixi u magacaabay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa Jimcihii maanta si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, ka dib markii la magacaabay isagoo dalka dibeddiisa ku maqan.

Wasiir Siciid Sulub oo Turkiga Safar ku joogay markii la magacaabay, ayaa Jimcihii maanta Somaliland ku soo laabtay, waxaana soo dhawayntiisa ka qayb-qaatay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda loo magacaabay, Afhayeenka Madaxtooyada iyo Xubno kale.

Markii la soo dhaweeyey ee hadallo farxadeed ay ku qaabbileen Masuuliyiinta soo dhawayntiisa Madaarka Diyaaradaha u tegay, waxa uu Wasiir Siciid Sulub halkaa ka jeediyey hadal kooban oo Mahadnaq iyo Duco isugu jiray.

Haddaba, soo dhawayntaasi u dhacday iyo hadalladii Madaxda kala duwani halkaas ka jeediyeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.