Qareenno Muddaharaaday oo Weeraray Cusbitaal, Dhimashada & Dhaawaca iyo Tiro la Xidhay

Qareenno MUDDAHARAADAY OO CUSBITAAL PAKISTAN KU YAALLA WEERARAY 2019
Qareenno MUDDAHARAADAY OO CUSBITAAL PAKISTAN KU YAALLA WEERARAY 2019

Lahore(aftahannews):- Ugu yaraan Saddex Qof oo Bukaan ahaa, ayaa geeriyooday ka dib markii ay Boqollaal Qareenno ahi weerar ku qaadeen Cisbitaal ku yaalla magaalada Lahore ee waddanka Pakistan, kuwaas oo sameeyey muddaharaad ka dhashay muran u dhexeeyey Dhakhaatiirta iyo Qareennada Pakistan.

Qareenno MUDDAHARAADAY OO CUSBITAAL PAKISTAN KU YAALLA WEERARAY 2019
Qareenno MUDDAHARAADAY OO CUSBITAAL PAKISTAN KU YAALLA WEERARAY 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Muuqaal lagu shaaciyay warbaahinta maxalliga ah iyo baraha bulshada ayaa laga arkayaa qareennada oo qalalaase ka sameynaya qeybaha ay bukaannada wadnaxanuunka ku jiraan ee isbitaalkaas, iyagoo markaas garaacayay shaqaalaha, qalabkana burburinayay.

QOF BUKAAN AH OO KU DHINTAY MUDDAHARAADKA PAKISTAN
QOF BUKAAN AH OO KU DHINTAY MUDDAHARAADKA PAKISTAN

Cabsi badan, ayaa ka jirtay Cusbitaalkaas, Dhakhaatiirta iyo howlwadeennada kale ee caafimaadka ayaana wada dhuuntay. Arrintaas ayaa sababtay inay daryeel heli waayaan bukaano ay ku jireen kuwo ay xaaladdoodu aad u liidato.

Booliska ka hortagga rabshadaha ayaa adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa si ay ugu kala eryaan qareennada qalalaasaha sameynayay, iyagoo 20 ruuxna xabsiga u taxaabay. Qareennada ayaa ka careysnaa hab dhaqan qallafsan oo dhakhaatiirta isbitaalkaas lagu eedeeyay inay bishii lasoo dhaafay ku sameeyeen qareenno saaxiibbadood ah.

Qareenno galay Cusbitaal Pakistan ku yaalla
Qareenno galay Cusbitaal Pakistan ku yaalla

Hase ahaatee arrinta ugu dambeysay ee sababtay qalalaasaha ayaa u muuqata inay tahay caro ka dhalatay muuqaal baraha xiriirka bulshada lagu shaaciyay oo muujinayay dhakhtar habeennimadii Talaadada ku maadeystay qareennada.

Sida laga soo xigtay maamulka isbitaalka, in ka badan 200 oo qareenno ah, oo ulo watay, ayaa weeraray isbitaalka maalintii Arbacada. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in qareennadu ay si xoog ah ku gudbeen ilaaladii amniga isbitaalka, ka dibna ay kooxo isku kala qeybiyeen, iyagoo weeraray qeybo kala duwan oo ka mid ah waaxyaha isbitaalka.

Muuqaal lasoo galiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qareennada – oo xiran dharka suudadka iyo garabaatiyo – islamarkaana burburinaya qalabka isbitaalka iyo daaqadaha, waxayna garaacayeen shaqaalaha iyo saraakiisha kale, oo uu ka mid ahaa wasiirka warfaafinta ee ismaamul goboleedka Punjab, Fayazul Hasan Chauhan.

Wasiirka la garaacay ayaa halkaas u tagay si uu xasiloonida u soo celiyo. Waxay sidoo kale weerareen goob hoy u ah kalkaalisooyinka Isbitaalkaas, halkaasoo ay ka jajabiyeen alaabtii taallay, sida lagu sheegay warqad cabasho ah oo ay qoreen maamulka Isbitaalka.

Qareennada ayaa waxay burbur gaarsiiyeen gawaari taallay bannaanka hore ee isbitaalka, iyagoo dab qabadsiiyay ugu yaraan hal gaari oo ka mid ah kuwa ay boolisku wateen. Qaar ka mid ah mudaharaadeyaasha ayaa la sheegay inay rasaas kor u rideen markii ay goobta tageen ciidanka ka hor-tagga rabshadaha.

Ilo-wareedyo laga helay isbitaalka ayaa sheegay in ugu yaraan saddex bukaan, oo kala ah haweeney iyo labo nin, ay u dhinteen sabab la xiriirta dhakhaatiirta oo daryeeli waayay qalalaasaha awgiis. Waxaa la aaminsan yahay in haweeneydu ay ku jirtay qeybta la dhigo bukaannada ay xaaladdoodu aadka u liidato.

Boolis dheeraad ah ayaa ugu dambeyn la geeyay halkaas, waxaana iskudhacyo dheeraad ah oo dabasocday ku dhaawacmay tiro qareenno ah.

Qareennada ka qeyb qaatay weerarka isbitaalka ayaa si weyn loogu cambaareeyay warbaahinta Pakistan. “Dadka reer Pakistan waxay muddo sannado ah goob joog u ahaayeen qalalaase ay sameynayeen dad qareenno ah”, sidaas waxaa Khamiistii tiri mid ka mid ah wariyeyaasha telefishin lagu magacaabo Geo TV.

Afrasiab Khattak, oo horay guddoomiye uga ahaa ururka madaxa bannaan ee u dooda xuquuqda aadanaha Pakistan(HRCP), ayaa bartiisa Twitter-ka ku cambaareeyay dhacdadaas. Maamulka Gobolka Punjab oo ka cabsi qaba inay mudaharaadyo kale oo rabshado wata dhacaan ayaa dalbaday ciidamo dheeraad ah.

Xigasho BBC/Somali.com.