Ra’iisal-wasaare Boris Johnson oo ku guulaystay doorashada Dalka Britain iyo Xaaladaha ku Xeeran

Boris Johnson oo ku guulaystay doorashada Britain 2019
Boris Johnson oo ku guulaystay doorashada Britain 2019

London(aftahannews):- Boris Johnson, ayaa dib ugu laaban doona xafiiska Downing Street isaga oo si aqlabiyad ah ugu guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday shalay.

Boris Johnson oo ku guulaystay doorashada Britain 2019
Boris Johnson oo ku guulaystay doorashada Britain 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xisbiga Mr Johnson ayaa xitaa guulo ka soo hoyiyay goobo ay caadiyan markii hore ku guuleysan jireen xisbiga shaqaalaha. Iyada oo ay hartay in lagu dhawaaqo natiijada dhowr kursi ayaa waxa ay BBC saadaalinayso in xisbiga muxafidka uu helaya qlabiyad dhan 78.

Rai’sul wasaaraha ayaa sheegay in guushan ay siinayso fursad “uu ku hirgaliyo ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub ” islamarkana uu UK ka saaro Yurub.

Jeremy Corbyn ayaa dhankiisa sheegay in ay u tahay “habeen aad uu u niyad jabay “islamarkana uusan u tartami doonin mustaqbalka doorashooyiinka soo socda.

Xisbiga muxaafidka ayaa heli doona 364 xildhibaan, halka xisbiga shaqaalaha ay ku guuleysteen kuraas dhan 203,SNP 55, Liberal democrats 13, Plaid Cymru afar iyo Greens oo hal kursi ah.

Arrintan ayaa waxay micnaheedu tahay in xisbiga muxaafidka ay aqlabiyadii ugu balaarnayd ku yeelan doonaan baarlamaanka tan iyo 1987 oo Margaret Thatcher ay aqlabiyad la mi ah heshay.

Xisbiga shaqaalaha ee uu hogaamiyo Jeremy Corbyn ayaa lumiyay deegaan barlaameednyada kala ah North, Midlands iyo Wales, kuwaas oo sanadkii 2016-ka taageeray qorshaha ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Sidoo kale deegaan barlamaaneedyada kala ah Darlington, Sedgefield iyo Workington oo markii hore uu ku xooganaa xisbiga shaqaalaha ayaa haatan waxaa uu ka baxay ganactooda, waxaana laga soo doortay xildhibaano ka tirsan xisbiga muxaafidka ee talada haya.

Dhanka kale xisbiga Scottish National Party ayaa isaguna u muuqda in xoogahaa guul uu gaaray, waxaana dhowr deegaan barlamaaneed uu kaga guuleystay xisbiyada ugu tunka weyn dalka Britain ee Labour iyo Conservatives.

Xigasho BBCSomali.com.