Arsenal Oo Xaqiijisatay U Soo Bixitaankeeda Europa League

Arsenal ayaa xaqiijisatay inay ku soo baxdo kaalinta 1aad ee Group F ee Europa League inkastoo ay barbaro 2-2 la galeen kooxda reer Belgium ee Standard Liege. Bukayo Saka ayaa guuldarro ka badbaadiyay Arsenal isagoo gool dhaliyay islamarkaana caawiye ka noqday goolka kale.

Kooxda Jarmalka ee Eintracht Frankfurt ayaa iska khasaarisay fursad ay kaalinta koowaad ku geli lahaayeen markii hogaankooda 2-1 loogu bedelay 3-2 kulankii ay la ciyaareen kooxda Vitoria de Guimaraes.

Arsenal ayaa kaalinta 1aad ku xaqiijisatay 11 dhibcood halka Frankfurt ay ku soo baxday 9 dhibcood.

Waxay ciyaarta ku dhamaatay 2-2 oo ay Arsenal ku xaqiijisatay inay ku soo baxday kaalinta 1aad ee Group F ee Europa League iyagoo u soo gudbay wareega 32da ee Europa League.