Jilaa Caan Ah Oo Ka Hadlay Kooxda Maraykanka Loogu Jecel Yahay

Washintong (Aftahannews)-Jilaaga caanka ah reer Mareykanka ee Matthew McConaughey ayaa si maldahan u sheegay kooxda ugu taageerayaasha badan gudaha dalka USA.

Matthew McConaughey ayaa iska indho tiray labada kooxood ee Manchester United iyo Liverpool, kuwaasoo taariikh aad u dheer iyo taageerayaal fara badan ku dhax leh adduunka oo dhan, wuxuuna si maldahan u sheegay in Chelsea ay tahay kooxda ugu taageerayaasha badan gudaha dalka Mareykanka.

Waxaa suurtogal ah in sababta uu ugu tilmaamay Jilaagan caanka ah in Chelsea ay ku leedahay taageerayaasha ugu badan gudaha dalka Mareykanka, maadaama uu u ciyaaro Blues ciyaaryahanka ugu fiican USA waqtigan ee Christian Pulisic.

 

Matthew McConaughey oo ku sugnaa garoonka Stamford Bridge inta lagu gudi jiray kulankii dhex maray kooxaha Chelsea iyo Lille ayaa la weydiiyay su’aal ku aadaneyd kooxda ka dhisan England ee ugu taageeraha badan wuxuuna yidh:“Hagaag, qoyskeyga waxay dageen Liverpool, laakiin tani waa mabda’a qoyska McConaughey”.

“Wiilkeyga, wuxuu ka doorbidayaa Manchester City, waana ogahay inuu sidoo kale jecel yahay Chelsea, waxaan sidoo kale aadnay oo aan daawanay kulan Arsenal ah“Waan ogahay inay jiraan taageerayaal badan oo kooxda Chelsea ah, saddex ka mid ah saaxiibadeyda Hollywood-ka waxay taageeraan kooxda Chelsea, waana tiro aan xumeyn, laakiin ma hubo in taasi ay tahay arrinta Texas oo kaliya ah ama mareykanka oo dhan”.