Brazil: Wiil Xabsi U Galay Si Uu Hooyaddii Imtixaan Ugu Galo

Rio, (Aftahannews)-Nin 43 jir ah ayaa lagu xidhay waqooyiga waddanka Brazil ka dib markii lagu fahmay qorshe uu hooyadii isaga dhigayay, si uu ugu galo imtixaankeedda darawalnimadda.

Eedeysanahan xabsiga loo taxaabay ayaa dhar iyo qalab kale oo uu ku soo labistay aad isugu ekeysiiyay hooyadii.

Maxaa Keenay Arrintan?

Markii ay Heitor Schiave hooyadiis, Maria, oo 60 jir ah saddex jeer ku dhacday imtixaanka ayuu go’aansaday inuu booskeeda galo, maadaama uu isagu yahay farsamayaqaan baabuurta hagaajiya, aadna u yaqaanna sida loo kaxeeyo.

Wuxuu soo xidhay naaso, timo iyo ciddiyo, wuxuuna wajiga marsaday make-up u ekeysiiyay dumar.

Dhowr jeer ayuu gaadhiga ku soo wareejiyay magaaladda intii uu imtixaanka socday, qorshihiisuna wuxuu u muuqday mid si fiican u socda.

Laakiin wuxuu shaki yimi markii ay soo baxday in haweeneyda gaadhiga wadda aysan waji ahaan aad ugu ekeyn sawirka ugu dhaggan sharciga ay wadatay’

 Si fiican ayuu make-up u marsaday, ciddiyahana si wanaagsan ayuu isugu soo habeeyay, dahabka dumarkana wuu soo xidhay”, sidaas waxaa yidhi macallinkii qaadayay imtixaanka darawalnimada, oo lagu magacaabo Aline Mendonça.

Booliska ayaa loogu yeedhay si ay u xidhaan isagoo ku sugan dugsiga tababarka darawalnimada, waxaana lagu eedeeyay dambi ah inuu khiyaano sameeyay iyo inuu isticmaalayqof kale aqoonsigiisa”Islamarkiiba wuu qirtay dambigiisa. Wuxuu sheegay inuu yahay haweeneyda imtixaanka laga rabay wiilkeedda, uuna doonayay inuu hooyadii ku guuleysto imtixaanka ay kari weyday”.

Mr Schiave wuxuu sheegay in aanay hooyadii waxba ka ogeyn qorshaha uu sameynayay.