Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya oo Ka Hadlay Aayad uu Qur’aanka Ka Bartay & Khatarta Argaggixisada

Addis Ababa (Aftahannews)- Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa sheegay in gobolka Geeska Afrika uu yahay mid muhiim ah oo ay isku soo fidinayaan quwadaha caalamka, argagixisada iyo kooxaha xagjirka ahna ay ka raadsanayaan hoy, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii Geeska Afrika looga dhigi lahaa mid nabad ah oo qaaradda Afrika kaga dayato barwaaqada.

Dr. Abiy Ahmed waxa uu tilmaamay in falsafadda Medemer ay ka turjumayso isku-duubni iyo isku-duubni lagu gaadhayo yoolka guud, taas oo seeskeedu yahay saddex waddo oo kala ah jacayl, cafis iyo dibu-heshiisiin, waxaanu soo qaaday xorriyadda hadalka, madax-bannaanida saxaafadda iyo doorashooyinka la filayo inay dhawaan qabsoomaan oo uu ku sifeeyey kuwo xor iyo xalaal noqon doona.

Ra’iisal Wasaaraha oo hadal ka jeedinayey xafladdii lagu guddoonsiinayey abaal-marinta Noble Peace Prize ee ka dhacday Oslo, waxa uu xusay in uu aad ugu faraxsan yahay abaal-marinta oo uu ugu mahad-celinayo Madaxweyynaha waddanka Eritrea EIsaias Afwerki oo kala shaqeeyey sidii loo soo afjari lahaa colaadda labaatanka sannadood qaadatay.

“Waan ku faraxsanahay inaan halkan idinla joogo, waxaanan si niyad ah ugu mahad-celinayaa Guddida Nobel-ka ee reer Norway. Guddida ii aqoonsatay ee igu dhiirigeliyey qaybtii aan ka qaatay xalka nabadda ee xuduudka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea. Waxaan u guddoomay abaal-marintan dadka reer Itoobiya iyo Eritrea, gaaar ahaan kuwii tanaasulka ka sameeyey nabadda. Waxa aan u guddoomay Madaxweynaha Etirea, Isaias Afwerki oo niyad-samaantiisa, aaminaaddiisa iyo ka go’naanshihiisu ay muhiim u ahaayeen soo afjaridda colaadda labaatanka sannadood ay labada waddan isku hor fadhiyeen. Waxa aan u aqbalay abaal-marintan dadka reer Afrika iyo muwaadiniinta dunida ee ay riyadoodu tahay nabad lagu beddelo dhibaatooyinka dagaalka. ” Ayuu Ra’iisal Wasaaruhu ku bilaabay qudbadda uu ka jeediyey xafladda.

Dr. Abiy waxa ka sheekeeyey xilligii uu dagaalku ka dhex qarxay Itoobiya iyo Eritrea oo uu ahaa askari aad u da’yar, halkaasna uu ku waayey asxaab badan oo ay dhufayska ku wada jireen oo uu madfac ku habsaday.

“Waxaan ahaa askari da’yar markii uu dagaalku ka dhex-qarxay Itoobiya iyo Eritrea. Waxa aan markiiba goob joog ku noqday foolxumadii dagaalka jiidda hore oo ay ku jireen kuwo aan waligood hore usoo arag dagaal laakiin amaana oo u qushuuca. May soo arag cabsida, daalka, burburka ama niyad-jabka. Mana aanay daareemin murugada cidalada ee dagaalka iyo dhimashada kaddib. Dagaalku waa tiir dhexaadka cadaabta dhamaan dadka ku lugta leh, waanan garanayaa sababtoo ah halkaas ayaan joogay oo aan kasoo laabtay.” Ayuu yidhi.

Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu sheegay in uu indhihiisa kusoo arkay walaalo iska soo horjeeda oo furinta isku-gawracaya, odayaal, haween iyo carruur la gariiraya cabsida dagaalka oo ay hadhaysay dhimahsada xabadda iyo madaafiicda la isweydaarsanayey.

Dr. Abiy waxa xusay in uu markhaati ka ahaa dhibaatooyinkii xuduudka ka dhacay iyo wixii ay dadku samaynayeen, isla markaana uu dagaalku dadka ka dhigo kuwo qadhaadh, bilaa naxariis ah oo rabshooleyaal ah.

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed waxa kale oo uu sheegay in labaatan sannadood ka hor uu ahaa markii uu dagaalku qarxay uu ahaa hawl-wadeen Idaacadeed oo ku jiray dhufays, laakiin asxaabtiisii oo dhan ay dhamaadeen xilli uu meel uga yara kacay si uu anteenadu ugu shaqayso.

“Labaatan sannadood ka hor, waxaan ahaa hawl-wadeen idaacadeed oo la socda cutub ka tirsan ciidamada Itoobiya ee magaalo xuduudeedka Badme. Magaaladu waxay ahayd xudunta dagaalka u dhexeeyey labada waddan. Inyar ayaan ka baxay dhufayskii aanu ku jirnay si aan anteeno fiican u helo. Dhawr daqiiqadood kaddib markii aan soo laabtay waan argagaxay markii aan arkay dhamaan cutubkii oo lagu baabi’iyey weerar gantaal ah.  Wali waan xasuustaa saaxiibaddaydii ciidamada ee dhintay maalintaas xanuunka badan, sidoo kalena waxaan ka fikiraa qoysaskooda.” Ayuu yidhi.

Ra’iisal wasaaruhu waxa uu sheegay in qiyaastii boqol kun oo askar iyo shacab ah ay naftooda ku waayeen dagaalkaas oo xuduudka labada dhinacna ay ku kala go’doomeen qoysas aan tiradooda la garanayn, isla markaana uu burbur weyn gaadhsiiyey kaabeyaasha dhaqaalaha, barakac baaxad leh iyo raafna uu ku keenay bulshada.

“Taasi waa sababta aan hawsha dhismaha bishiijka nabadda ula bilaabay Madaxweyne Isaias Afwerki. Labadayaduba diyaar ayaanu u nahay in aanu ogolaano in nabaddu hirgasho, waxaana naga go’an in aanu bilowno in aanu barwaaqo u horseedno dadkyaga. Waxa aanu fahanay in shucuubtayadu aanay cadow isku ahayn, laakiin taas beddelkeeda aanu dhibbane u noqonay cadow aanu ka midaysanahay oo ah saboolnimada. Waxaanu xaqiiqsanay in inta aanu labadayada waddanba ku taaganahay tabashooyinkii hore, in dunidu is beddelayso oo ay naga tegayso. Waxa aanu ku heshiinay in aanu wada jir uga shaqaysno barwaaqaynta dadkayaga iyo gobolkayaga.” Ayuu raaciyey.

Ra’iisal Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata waxa sheegay in waqtigan ay qaabilayaan dadkii labada dhinac ku kala go’doonsanaa labaatanka sannadood, si buuxda dib ugu soo celiyeen xidhiidhadii diblomaasiyadeed, duulimaadyadii iyo adeegyadii isgaadhsiinta, qorshuhuna yahay in laga wada shaqeeyo mashaariic horumarineed oo kaabeyaasha dhaqaalaha ah oo kor loogu qaadayo dhaqaale.

Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu intaa kaddib sharraxay tallaabooyinkii uu u qaaday hirgelinta nabadda uuna aaminsan yahay inay tahay in ay qalbiga ka timaaddo, tahay shaqaalaha jacaylka, ilaalinteeduna u baahan tahay shaqo adag.

Waxa uu ku nuuxnuuxaday in dagaalka ay sameeyaan dad tiro yar, laakiin nabadda ay ku tuulo ama shucuub dhan ay dhisaan, isagana ay la tahay in horumarinta nabaddu ay la tahay sidii geed la beerayo la beerayo oo koraya.

Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu faahfaahiyey falsafadda Medemer, seeskeeda iyo hadafkeeda, waxaanu yidhi:  “Nabaddu waxay u baahan tahay aragti waarta. Aragtidayda nabaddana waxa sal u ah falsafadda Medemer. Medemer waa kalmad Axmaari ah, waxaanay tilmaamaysaa isku-duubni, midnimo iyo wada-shaqayn kooxeed si loo gaadho yoolka guud. Medemer waa figrad guri oo ka turjumaysa siyaasaddayada, bulsho iyo dhaqaale.”

Waxa uu tilmaamay in Medemer ay hal-qabsi u noqoto buslhada reer Itoobiya oo ay ku dhisto caddaalad, midnimo, dimuquraadiyad iyo bulsho binu-aadanimo leh oo wada-jir uga shaqaynaysa ilaha khayraadka iyo wada-noolaanshaha oo barwaaqo la gaadho.

Dr. Abiy Ahmed waxa uu sheegay inuu ka yimid magaalo yar oo loo yaqaano Beshasha oo ku taalla deegaanka Oromia ee galbeedka Itoobiya, halkaana ay kasoo bilaabantay midhaha falsafadda Medemer, waxaanu yidhi: “Waxaan ka imid magaalo yar oo loo yaqaano Beshasha oo ku taalla galbeedka gobolka Oromia ee Itoobiya. Waa Beshasha halka midhaha Medemer ay kasoo bilaabmeen. Waalidiintay ayaa aniga iyo walaalahay nagu soo koriyey oo nagu soo baray aniga iyo walaalahay caqiiqo waarta oo aadaminimo. Medemer waxa uu la macno yahay maahmaahda tidhaadha, “Waxaan ahay ilaaliyaha walaalkay. Waxaan ahay ilaaliyaha walaashay.”

Waxa uu ka sheekeeyey sidii aanay magaalada yar ee uu kusoo koray u lahayn biyo, laydh iyo waddooyin, laakiin ay u ahaayeen dad leh iimaan, binu-aadanimo, qiyam, dulqaad, isku mahad celiya oo isku duubni u shaqeeya, ayna si wada jir ah waddanka ugu soo raadeen saddex waddo oo loo yaqaano Jacayl, is cafis iyo dibu-heshiisiin.

“Innaga, Itoobiyaan ahaan, waxaynu xor ahayn kumannaan sannadood sababtoo ah waxaynu u midaysanayn inaynu dalkeena difaacno, quruxda Itoobiya na waa kala-duwaanaanshaha bulsho ee aan caadiga ahayn. Isku-darka Medemer wuxuu xaqiijinayaa in aan qofna tegin qoyskeena ballaadhan. Waxa sidoo kale yidhi, “ma jiro qof jasiirad / go’doon ah.” Sidaas oo kale, ma jirto ummad jasiirad / go’doon ah.” Ayuu yidhi.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed waxa uu ka hadlay muhiimadda gobolka Geeska Afrika, ilaalinta nabadda dalalka deriska ah iyo hammiga uu la doonayo in gobolku noqdo, waxaanu yidhi: “Waxa jirta maahmaah da’ weyn oo tidhaahda  “በሰላም እንድታድር ጎረቤትህ ሰላም ይደር”, “yoo ollaan nagayaan bule, nagaan bulanni.” oo aanu luuqado badan oo Afrikan ah aanu la wadaagno oo mahnaheedu yahay, “Si aad habeenkii nabad ugu seexato, deriskaaguna waa inuu sidoo kale habeen nabad ah haysto.” Nuxurka maahmaadu wuxuu tilmaamayaa xoojinta xidhiidhka gobolka. Waxa aanu hadda isku dayaynaa in aanu deriskayaga kula noolaano nabad iyo heshiis. Geeska Afrika maanta wuxuu leeyahay istaraatiijiyad muhiim ah. Milateriga quwadaha dunida ayaa kusoo fidinaya meelaha milaterigoodu joogo. Argagixsada iyo kooxaha xagjirka ah ayaa sidoo kale doonaya inay ka samaystaan saldhigyo. Ma doonayno in Geeska Afrika uu goob dagaal u noqdo quwadaha waaweyn ama ganacsiga qarsoor ee argagixisada iyo dillaaliinta qaska iyo mushkiladaha. Waxa aanu doonaynaa in Geeska Afrika uu ahaado hoyga nabadda iyo horumarka. Runtii waxaanu doonaynaa in Geeska Afrika uu noqdo Geeska Barwaaqada ee qaaradda inteeda kale.”

Ra’iisal wasaaruhu waxa kale oo uu ka hadlay isbeddelladii dalka ka dhacay, sii deyntii maxaabiista iyo xabsiyadii dadka lagu ciqaabi jiray ee albaabada loo laabay, waxaanu caddeeyey in maanta aanay dalka jirin maxaabiis arrimo siyaasadeed u xidhan, xorriyadda saxaafaddana si adag loo tixgeliyo oo aanay wariyeyaal jeelasha ku jiraa jirin.

Waxa kale oo uu soo qaaday doorashooyinka xisbiyada badan ee dalka ka dhici doona oo uu tilmaamay inay noqon doonaan kuwo xor iyo xalaal ah.

Nabad-doonnada ayuu sheegay inay tahay in ay baraan rabshooleyaasha inay doortaan sida ay u noolaanayaan, waxaanu yidhi: “Run ahaantii waxaan aaminsanahay in nabaddu ay tahay jidka nolosha, dagaalkuna yahay waddada dhimashada iyo burburka. Nabad-sameeyeyaashu waxa waajib ku ah inay baraan nabad-burburiyeyaasha inay doortaan jidka nolosha. Ugu dambayna waa in aynu dunida ka caawino dhaqanka nabadda, laakiin hore dunida nabad ayaa uga jirtay, waa se in ay jirto nabad ka timaaddo qalbiga iyo maskaxda. Nabaddu waa inay ka timaaddo qoyska, derisnimada, tuulada iyo magaalooyinka iyo caasimadaha. Waa inay nabad ka dhex jirto shucuubta.”

Dr. Abiy Ahmed waxa uu xusay in dadka ku nool qaaradda Afrika ay 70% da’doodu ka hoosayso 30 jir, laakiin ay la’ yihiin caddaalad bulsho iyo dhaqaale.

“Waxay innaga dalbanayaan in fursadaha loo sinnaado iyo in lasoo afjaro musuqmaasuqa abaabulan. Dhallinyaradu waxay ku adkaysanayaa dawlad wanaag ku sallaysan isla-xisaaabtan iyo cadcaddaan. Haddii aynu diidno caddaaladda dhallinyarada, waxaynu diidnay nabadda.” Ayuu raaciyey.

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo waxa uu sheegay in Qur’aanka Kariimka ah uu ka bartay walaalnimada, maalin kastana uu u taagan yahay inuu ka shaqeeyo nabadda, waxaanu yidhi: “Waxa kale oo aan bartay AAYADDA QURAANKA Barakaysan ee tidhaahda: “Binu-aadannimadu waa walaaltinimo. Markaa, walaalahaaga nabad u same.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.