Maxkamadda Sare Oo Laashay Dacwadii Laga Gudbiyey Guurtida

Filed under: Wararka |

Hargeysa, (Aftahannews)-Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga ayaa sheegay in Maxkamadda Sare ee Somaliland sharci-darro ku tilmaantay Dacwad ay Toddobaadkii hore u gudbiyeen oo ka dhan ahayd  Muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyay Golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Xasan Guure Jaamac oo Maanta saxaafadda kula hadlay Afaafka Maxkamadda sare ee Hargeysa, ayaa sheegay in Maxkamaddu ay Dacwaddoodii burisay isla-markaana aanay ka jawaabin nuxurka ay xambaarsanahayd oo ahayd in Go’aanka Golaha Guurtida ee Muddo-kordhinta ah ay maxkamaddu joojiso.

You must be logged in to post a comment Login