Real, Juventus, Bayern Oo Guulo Gaadhay & Natiijooyinkii Caawa

Waxaa caawa la ciyaaray kulamda lixaad ee heerka group-yada tartanka xiisaha badan ee Champions League, iyadoo kooxihii caawa ciyaaray ay ugu muhiimsanaayeen, Real Madrid, Paris Saint-Germain, Tottenham Hotspur, Bayern Munich iyo Juventus.

Kooxda FC Bayern München ayaa guul weyn ka gaadhay naadiga reer England ee Tottenham Hotspur, waxayna kaga adkaatay 3-1, Kingsley Coman, Thomas Mueller iyo Philippe Coutinho ayaa u kala dhaliyay goolasha.

 

Dhinaca kale Real Madrid ayaa ayaa saddexda dhibcood ka soo qaadatay kooxda Club Brugge oo ay booqatay, waxayna kaga soo adkaatay 1-3,  Los Blancos ayaa goolasheeda waxay kaga mahadcelineysaa xiddigaheeda kala ah Rodrygo, Vinicius Junior iyo Luka Modric.

Juventus ayaa ka mid ah kooxaha caawa guusha ka gaaray kulamada lixaad ee heerka group-yada waxayna 0-2 kaga soo adkaadeen kooxda Bayer Leverkusen oo ay booqdeen, goolasha naadiga Bianconeri waxaa u kala dhaliyay xiddigeeda reer Portugal ee Cristiano Ronaldo iyo Gonzalo Higuain.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo natiijooyinka kulamadii lixaad ee caawa laga ciyaaray heerka Group-yada tartanka xiisaha badan ee Champions League:

GROUP A

Club Brugge 1 – 3 Real Madrid

Paris Saint-Germain 5 – 0 Galatasaray

GROUP B

FC Bayern München 3 – 1 Tottenham Hotspur

Olympiacos 1 – 0 FK Crvena Zvezda

GROUP C

Dinamo Zagreb 1 – 4 Manchester City

Shakhtar Donetsk 0 – 3 Atalanta

GROUP D

Atletico Madrid 2 – 0 Lokomotiv Moscow

Bayer Leverkusen 0 – 2 Juventus.