BRAZIL:Dadka Haku Dhibin Warka Beenta Ah Iyo Baroortii Qoyska

Rio (Aftahannews)-Gilberto Arog oo u dhashay Baraasiil da’diisuna tahay 41 sano ayay ka murugoodeen qoyskiisu ka dib markii la baahiyay inuu shil gaadhi ku dhintay. Warkan waxa qoyskiisa soo gaadhsiiyay Nin ay saaxiib ahaayeen oo qolka maydka ku arkay nin ay aad isugu eegyihiin, waxaana uu u  qaatay inuu yahay saaxiibkii, madaama shilka uu ka soo dhaawacyo jidhkiisa bedelay.

Sidaasi ayuu ku gudbiyay kuna ogaysiiyay qoyskiisa kuwaasi oo iyaguna baroor isku daray. Hooyadii Marina Santana aya sheegtay in markii warkaasi soo gaadhay ay qoyska qaarkood miyir beeleen.

Iyadoo arintaasi jirto ayuu wiilku soo gaadhay guriga , Hooyada ayaa sheegtay in markii ay aragtay wiilkeeda ay aad u faraxday, isagoo isaguna aad uga naxay dhibaatada gaadhay qoyskooda. Ninkaan ayaa dadka ka codsaday inay warka inta aanay baahin aad u hubiyaan, si aanu dhibaato ugu keeneen dad kale.