Spain: Ciidamadda Catalonia Oo Heegan Loo Galiyey K. El-Clasico

Ciidamada Booliiska Gobolka Catalonia ayaa ballan qaaday iney dabooli doonaan baahi walba oo loo qabo amaanka inta lagu jiro kulanka xiisaha badan ee 18-ka December la filayo inuu Camp Nou ku dhexmaro kooxaha Barcelona & Real Madrid.

Ciidamada (Mossos d’Esquadra) ayaa muujiyay rajo wanaagsan oo ku aadan iney si aan qalalaase laheyn u sugi karaan amaanka, waxeyna arnintaan kusoo aadeysaa xilli dood badan ay ka jirto amaanka la isku haleyn karo ee kulanka toddobaadka ka hor dhacada, balse Mossos ayaa diyaar ah.

Inkastoo aysan wali jirin wax faah-faahin dheeri ah oo ay bixiyeen, hadana ciidamada Booliiska kalsooni badan ayay ku qabaan inay xakameyn karaan dhamaan wadooyinka soo gala garoonka, sidoo kalana ay ka shaqeyn karaan inuusan qalalaase ka dhaln imaatinka labada kooxood ee garoonka.

Sidoo kale ciidamada waxey xilli hore ka dhawaajiyeen in ciyaarta ay xitaa dhici kartay wakhtigii hore ee 26-ka Oktoobar.

Waxaa intaas dheer oo ay iska fogeeyeen in wixii ka dhaca garoonka dhexdiisa ay wax masuul ah ka yahiin, waxeyna ka dhawaajiyeen in Barcelona ay xambaari karto arintaas, balse waxay xaqiijiyeen iney kooxda siinayaan talooyin dhanka amaanka ah, sidoo kalna ay kala shaqeynayaan wax walba oo ay ku hubin karaan sidii ay ciyaarta ugu dhici laheyd sida ugu quruxda badan.

Waxaa intaas dheer in garoonka laga mamnuucayo wax walba oo ka hor imaanaya qawaaniinta caalamiga ah ee ciyaaraha iyo boorarka siyaasadeysan ee dhibaatada abuuri kara.

“SpainSitAndTalk” boodh lagu soo qoray ayey kooxda Democratic Tsunami ka codsadeen Barcelona iney garoonka dhex keenaan, waxaana la ogaaday inaan loo arkin wax dhibaato ah, sidaa darteed ma jirto sabab boodhkaas loo mamnuuci karo haddiiba ay aqbasho kooxda martida loo yahay.