Kaydiyihii KadeednaaW/Q: Cali Cabdi Coomay

Wax xannuun ahi ka muuqato, mase fayooba, oo markuu hadlayo waxaad moodaa inuu hadalka aakhiro ka soo qaadayo. Tolow ma xannuunbaa mise waa abuur uu iska leeyahay? Mooyi, labadaba ka filo. Wuxuu si aan xaasidnimo lahayn dhallinyarta ula wadaagaa wixii sooyaal ah ee uu hayo. Wuxuu yidhi “Borobangaadadu waa dagaalka badhii ayuu Talyaanigu ku maahmaahaa”. Hugiisa iyo muuqiisa dadku inta badan hoosba uma eegaan, wuxuu se hayaa taariikh iyo tusaalooyin uu in badana akhriyey inna uu dadka waayeelka ah ee uu inta badan wehesho ka dheefay.

Dadka aad uma dhexgalo, wuu fiiro badan yahay, kuu arko inuu wax ka fahansan yahay taariikhaha adduunka iyo tan Soomaalida ayuu sheekada ku darsadaa. Isna waxba u kordhiyaa isna waa loo kordhiyaa wixii lagu dhaamo. Dadka maskaxdu madhan tahay ee qaylada badan wuxuu dadka kula taliyaa in aanay dhegaysan oo wuxuu u yaqaanaa inay ku xigmad guurayaan haddii ay dhegaystaan.

Wuxuu xiiseeyaa doodaha cilmiga iyo caqliga ku dhisan ee ay ka madhan tahay cadhada iyo caadifadu. Cabbaar ka dib wuxuu noo sheegay sheekadan” Nin masaajid salaad tukinaayey ayaa qur’aankii khalday, markaasuu saxay kii safka hore ku jiray, haddana mar kale ayuu khalday, haddana mid kale oo kii hore ay ilmaadeer yihiin ayaa saxay, markaasuu is-hayn kari waayey mid ninka salaada tukinaayey ay ilaamaadeer yihiin oo uu yidhi” waar ninka u kala hadha”. Iyada oo sheekadaasi hore sidii loogu qoslayey ay rag badani kuraasta ka daateen, ayuu tu kale ku daray oo uu  yidhi” Wuxuu soo galay hudheel wuxuuna arkay iyadoo kaligeed fadhida.

Wuxuu ku yidhi”ma kula fadhiisan karaa?”Cod dheer oo ay dadka maqashiinayso ayay ku tidhi ”waan kula seexanayaayaa  maxaad ka waddaa yaad i mooday? Ma kuwa jidhkooda ka ganacsada?” Dadkii oo dhan ayaa soo wada eegay. Isagoo aad u khajilsan oo xishoonaya ayuu kursigii kaligii meel gooni ah ku fadhiistay. In yar kadib ayay iyada oo qoslaysa u tagtay oo agtiisa intay fadhiisatay ku tidhi”waxaan bartay cilmi nafsiga, waxa rabay inaan ogaado marka lagu dulmiyo sida aad noqonayso.”Intuu istaagay ayuu cod dheer ku yidhi: $300 oo doollar ma bixin karo hal habeen? ”Dabadeed dadkii oo dhan baa iyadii soo wada eegay gabadhii iyadoo la leeyahay ”waaba run illeen, waabatas u tagtay oo lacag ayayba ka doonasa.”Isna inta uu afka dhagta u saaray ayuu ku yidhi; ”waxan bartay qanuunka waxaan ahay qarreen oo waxaan aqaannaa sida loo soo dhacsado xaqa iga maqan, marka raalli noqo”

 Ugu dambayntii wuxuu noo taxay liiska kelmado uu sheegay inuu isagu allifay markuu eegay bulshada ayuu sheegay shaqooyin uu liiskooda taxay, waxaanu yidhi”:

= Xasarad Advisor

= Wanaag refuser

= Bulsho divider

= Tuhun believer

= Boob collector

= Faji maker

= Jago looker

= Colaad campaigner

= Mashruuc taker

= Danyar killer

= Qaran crusher

= Ganacsi collapser

= Suldaan nominator

= Naxli designer

= Isku dir writer

= Been reporter

= Qabyaalad driver

= Kala-geyn editor

= Laaluush payer

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan 

Calicoomay@gmail.com