Man City Oo Xasuuqday Zagreb & Kooxda Atalanta Oo Taariikh Dhigtay

Saddexleey uu dhaliyay weeraryahanka reer Brazil Gabriel Jesus ayaa ugu fileynd Manchester City inay 4-1 ku garaacdo kooxda Dinamo Zagreb oo marti loo ahaa kulankoodii ugu danbeeyay ee wareega group-yada Champions League.

Man City ayaa xilli hore xaqiijisatay inay kaalinta koowaad uga soo baxday Group C sidaasi darteed kulankii caawa wax micno weyn ah uguma fadhinin inkastastoo ay caawiyeen kooxda Talyaaniga ee Atalanta.

Dinamo Zagreb ayaa goolka ku hormartay daqiiqadii 10aad iyadoo uu shabaqa u soo taabtay Daniel Olmo laakiin waxaa kooxda Sky Blues u barbareeyay daqiiqadii 34aad Gabriel Jesus iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Qeybtii labaad afar daqiiqo gudaheed intii u dhaxeysay daqiiqadii 50aad iyo 54aad ayuu Gabriel Jesus labo gool oo degdeg ah ku dhaliyay isagoo dhameystirtay seddexleydiisa.

Weeraryahanka ayaa haatan kor u dhaafay boqol gool oo waayihiisa ciyaareed ah isagoo dhaliyay goolashii 101aad ee waayihiisa ciyaareed.

Waxaa ciyaarta hurdo u diray daqiiqadii 84aad Phil Foden kaasoo shabaqa ku taabtay kubad uu u soo dhigay Bernando Silva waxayna ciyaarta ku soo dhamaatay 4-1. Manchester City ayaa 14 dhibcood ku dhameysatay kaalinta 1aad ee Group C.

Laakiin kooxda Talyaaniga ee Atalanta ayaa taariikh dhigtay iyagoo iska xaadiriyay markii ugu horeysay abid wareega 16ka ee Champions League markii ay 3-0 kaga badiyeen kooxda Shakhtar Donestk oo casaan qaadatay qeybtii labaad.

Atalanta ayaa kulankii caawa ka hor ku jirtay kaalinta ugu hooseysa ee afraad laakiin guusha ay gaadhay iyo guuldarada soo gaadhay Dinamo Zagreb ayaa u saamaxday inay ku dhameystaan kaalinta labaad iyagoo leh 7 dhibcood.

Timothy Castagne ayaa hogaanka u dhiibay daqiiqadii 68aad, iyadoo Dodo uu casaan ka qaatay Shakhtar daqiiqadii 77aad, Atalanta ayaana heshay goolkeedii labaad daqiiqadii 80aad oo uu u saxiixay Mario Pasalic. Waxaa ciyaarta hurdo u diray waqtigii dhimashada Robin Gosens oo dhaliyay goolkoodii 3aad.

Kooxda Talyaaniga oo markii ugu horeysay u soo baxday wareega group-yada Champions League ayaa haatan markii ugu horeysay iska xaadirisay wareega 16ka ee Champions League.