Faysal Cali Waraabe: “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee aannu u Cabannay baa Shaadhka u Xidhay Sharci-darro..”

Hargeysa (Aftahannews)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID, ayaa Sheegay inay Dhawrista Xuquuqda Aadamaha iyo ku Dhaqanka Sharciguba aad ugu liitaan Somaliland, waxaanu eedayn u jeediyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Aadan Xaaji Cali.

Faysal Cali ayaa sheegay oo ku eedeyay in Guddoomiyaha maxkamadda sarre uu la saftay Madaxweynaha xili uu taagan-yahay muran baahsan oo ka dhex aloosan xisbiyada mucaaridka iyo Muuse Biixi, kaasi oo ku aadan arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Haddaba, hadalka Faysal Cali Waraabe arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.