Dacwad Ka Dhan ah Myanmar oo Ka Bilaabantay Hague iyo Hoggaamiyaha Dalkaas oo Indha-adayg Muujisay

Hoggaamiyaha MYANMAR OO INDHA-ADAYG LA HORTAGTAY MAXKAMADDA HAGUE 2019
Hoggaamiyaha MYANMAR OO INDHA-ADAYG LA HORTAGTAY MAXKAMADDA HAGUE 2019

Hague(aftahannews):- Maxkamadda Cadaaladda Dunida ee ku taalla magaalada Hague ee dalka Netherlands, ayaa Arbacadii maanta bilawday dhegaysiga Dacwad ka dhan ah dowladda Myanmar.

Hoggaamiyaha MYANMAR OO INDHA-ADAYG LA HORTAGTAY MAXKAMADDA HAGUE 2019
Hoggaamiyaha MYANMAR OO INDHA-ADAYG LA HORTAGTAY MAXKAMADDA HAGUE 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Myanmar, ayaa lagu eedeynayaa inay xasuuqday Muslimiinta laga tirada badanyahay ee ku nool dalkaas ee Rohingya. Dacwaddan, waxaa gudbisay dowladda Gambia oo ka wakiil ah Ururka dalalka Islaamka.

Hoggaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi, ayaa dalkeeda ka difaacday eedeymaha la xidhiidha xasuuqa loo geystay Qowmiyadda Muslimiinta Rohingya ee dalkaas ku nool.

Aung San Suu Kyi
Aung San Suu Kyi

Aung San Suu Kyi oo haysata billada nabadda ee Noble Peace prise, ayaa hortagtay Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay (ICJ). Waxaanay Maxkamadda ka sheegtay in kiiska ka dhanka ah Myanmar yahay mid aan dhammeystirneyn oo aan sax aheyn.

Kumanaan reer Rohingya ah, ayaa la diley in ka badan 700,000-na waxay u qaxeen dalka deriska la ah ee Bangladesh intii lagu guda jiray sanadkii 2017.

Ms Suu Kyi ayaa ku adkaysatay mowqifkeeda, waxaanay ku tilmaamtay rabshadaha iskahorimaad hubeysan oo gudaha ah oo sababay weerarrada Rohingya ee xarumaha amniga dowladda.

Waxay u sheegtay Maxkamadda inay ka go’an tahay soo celinta dadka ka barakacay Myanmar ee Rakhingaha, waxayna Maxkamadda ka codsatay inay ka fogaato ficil kasta oo sii xumayn kara khilaafka.

Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha u Dooda ee Caalamka iyo Dalalka Islaamka ah qaar badan oo ka mid ah, ayaa marar badan aad u cambaareeyey dowladda Myanmar sida ay raallida uga tahay, isla markaana qaybta wayn ciidammada dowladdu ugu jiraan xasuuqa lagu hayo Qowmiyadda Rhingaha oo xataa ay dowladda dalkaasi kala dagaallantay inay helaan jinsiyadda muwaaddinnimada Myanmar.

Hase-yeeshee, waxay u Muuqataa Hoggaamiyaha dalkaas ee hore ugu guulaysatay Billadda Nabadda ee Adduunka inay maydhay magaceedii hore, isla markaana si-indho-adayg ah u difaacayso gabbood-fal, xadgudub nololeed iyo xasuuq ba’an oo Dunidu Markhaati ka tahay sida ay dalkeeda uga dhaceen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.