Wasiirka Cusub ee Waxbarashada iyo Sayniska oo Xilka kala Wareegay Wasiirkii hore & Hadalladii Madasha

Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka cusub ee Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cismaan Jaamac Aadan.

Munaasibadda uu Wasiirka dhawaan loo magacaabay Wasaaradda Waxbarashadu xilka kagala wareeegay Wasiirkii hore oo lagu qabtay Jaamacadda Hargeysa, waxaa ka qaybgalay Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland, Xisbiyada Siyaasadda, Madaxda Jaamacadaha iyo Dugsiyada gaarka loo leeyahay qaarkood, Saraakiil  ka socday Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin Wasaaradda Waxbarashada iyo Marti-sharaf kale.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Abbokor, ayaa halkaas ka hadlay ugu horreyn, waxaanu ka warbixiyey heerka ay Waxbarashada dalku marayso, waxyaabaha u qabsoomay wasaaradda iyo waxyaabaha dhinaca horumarka loo qaaday iyo waxa wakhtigan socda. Agaasime Abbokor, waxa uu soo dhaweeyey Wasiirka cusub, waxaanu sagootiyey Wasiirkii hore ee xilka wareejiyey.

Sidoo kale, Wasiirkii hore ee Waxbarashada iyo Sayniska Cismaan Jaamac Aadan, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib u qaabayn lagu sameeyo waxbarashada dalka, isla markaana dhinacyo badan laga horumariyo waxbarashada kala duwan ee Somaliland.

Wasiirka cusub ee Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa hadal uu xafladdaas ka jeediyey ku sheegay inuu halka ay hadda marayso ka sii dhaqaajin doono Wasaaradda, isla markaana waxa uu ballan-qaaday inuu tayeyn doono waxbarashada Somaliland guud ahaan.

Wasiir Toorno, waxa kale oo uu ballan-qaaday inuu ku shaqan doono xeerarka iyo shuruucda wasaaradda waxbarashada u yaalla iyo Sharciga guud ee Waxbarashada Qaranka, isla markaana ay ku dedaali doonaan inuu si xilkasnimo leh u guto xilka Qaran iyo Masuuliyadda la saaray.

Haddaba, Warkan oo faahfaahsan iyo hadallada Munaasibaddaa laga jeediyey-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.