Badhasaabka Nairobi oo Lacag Boqollaal Kun oo Doollar ah lagu Sii Daayey iyo Shaqada oo laga Joojiyey

BADHASAABKA GOBOLKA NAIROBI OO XABSIGA LACAG BADAN LAGAGA SII DAAYEY 2019
BADHASAABKA GOBOLKA NAIROBI OO XABSIGA LACAG BADAN LAGAGA SII DAAYEY 2019

Nairobi(aftahannews):- Guddoomiyaha gobolka Nairobi ee Kenya oo ay ku taallo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi Mike Sonko, ayaa Arbacadii Maanta lagu sii daayay lacag dammaanad ah oo gaadhaysa $150,000 oo dollar (boqol iyo konton kun oo doollarka Maraykanka ah), iyada oo aanan weli go’aan laga soo saarin eedeymo musuqmaasuq oo loo jeediyey.

BADHASAABKA GOBOLKA NAIROBI OO XABSIGA LACAG BADAN LAGAGA SII DAAYEY 2019
BADHASAABKA GOBOLKA NAIROBI OO XABSIGA LACAG BADAN LAGAGA SII DAAYEY 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa sidoo laga qaaday lacag kale oo gaadhaysa $300,000 oo doollar. Mike Sonko, ayaa lagu amray in aanu tagi karin Xafiiskiisa, taas oo keentay su’aasha ah, yaa sii maamuli doona Nairobi, maaddaama oo Badhasaabka laga joojiyey shaqada Xafiiska?

Maalinii Isniinta ee toddobaadkan, ayaa uu Maxkamadda horteeeda ka sheegay inaanu gaysan eedaymaha loo soo jeediyey, oo ay ka mid tahay inuu lunsaday lacago badan.

Mike Sonko, ayaa lagu soo eedeeyey in lacag gaadhaysa $ 3 Milyan uu ku qabsaday adeegyo sharci-darro ah. Maxkmadda horteeda, ayey buux-dhaafiyey taageerayaasha Mr. Sonko.

Waxyaabaha aad loogu yaqaanno Sonko, waxaa ka mid ah inuu mar walba ku labisto dhar soo jiidasho leh, oo dadka qaarkiisna ay u arkaan kuwo maad leh, laakiin isagu uu xarrago ahaan ka dhigto.

Kenya, ayaa ka mid ah dalalka Dunida ugu musuqmaasuqa badan, inkastoo ay sannadkahan dambe u muuqato in olole lagula dagaallamayo musuqmaasuqa la sameeyo, isla markaana Hay’adda la-dagaallanka musuqmaasuqa u qaabbilsan Kenya dhaqdhaqaaqyo iyo dabagallo badan waddo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.