Madaxweyne Biixi oo Xisbiyada Mucaaradka ah ugu Baaqay Kulan lagu Xalliyo Khilaafka doorashada

Hargeysa(aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xisbiyada mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID ugu Baaqay inay inay isugu yimaaddaan, si ay xal uga gaadhaan Khilaafka ka dhashay muranka arrimaha doorashooyinka dhawrka jeer dib looga dhigay wakhtigooda.

Madaxweyne Biixi waxa uu baaqaas ku ladhay khudbad uu Salaasadii maanta ka jeediyey Munaasibad lagu furay mashruuca aagga cashuuraha ka caaggan ee Dekedda Berbera oo Hargeysa lagu qabtay. Hoggaanka Xisbiyada UCID iyo Waddani, ayaa iyagu geestooda ku gacansaydhay baaqaas Madaxweynaha.

Haddaba, baaqa uu Madaxweynaha Somaliland u diray Hoggaanka Xisbiyada UCID iyo Waddani, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:- 

Sidoo kale halkan hoose ka Daawo muuqaalka Jawaabta Xisbiyada UCID iyo Waddani:-

Aftahannews.com 

Hargeysa/Somaliland.