Weerarro Ka Socda Muqdisho, Dhawaqa Rasaasta iyo Qaraxada oo isqabsaday iyo Xaaladda oo Qasan

BREAKINGNEWS
BREAKINGNEWS

Muqdisho(aftahannews):- Labo qarax oo waaweyn, ayaa caawa laga maqlay nawaaxiga hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo ay gudaha ugu jiraan dabley ka tirsan Al-shabaab oo fiidkii hore ee caawa halkaas weeraray.

Ciidammada ammaanka gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran, ayaa gudaha hotelka ka wada howlgal lagu soo afjarayo weerarka, iyagoo xiray dhamaan wadooyinka gala hotelkaas.

Taliye ku-xigeenka Booliska Somalia Jen. Sakiya Xuseen, ayaa sheegtay Abbaaro 7dii fiidnimo ay dabley ka tirsan Al-shabaab weerarka ku soo qaadeen hotelka SYL, ayna u suurashay iney gudaha u galaan.

Waxay intaas ku dartay in ciidamada amaanku ay gudaha hotelka ka soo badbaadiyeen dad badan oo isugu jiray shacab iyo masuuliyiin.

“Ilaa iyo hadda waxay Ciidamada Ammaanka soo badbaadiyeen 82 qof ay isku jira shacab iyo masuuliyiin. Waxaan ka digeynaa in xiriir telefoon lala sameeyo dadka shacabka ah ee lagu tuhunsanyahay in ay gudaha ku jiraan inta hawl galka laga soo afjarayo, Warbahinta iyo muwadininta sharafta leh waxaan fareynaa inay ka fogaadaan goobta arrimo amni awgeed.” ayey hadalkeeda ku soo gebagebeysay taliye ku-xigeenka.

Kooxda Alshabaab, ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyada iyo weerarka tooska ahaa ee lagu qaaday Huteelka SYL. Wixii ka soo kordha weerarradaas, wararka dambe ee aftahannews.com, ayaannu idiinku soo gudbinaynaa haddii Illaahay idmo.

Aftahannews.com 

Muqdisho/Soomaaliya.