Tiisaba Daryeelaa Tu Kale Ku Dara! Qalinka Maxamed Ismaaciil Warfaa

Maxamed Ismaaciil Warfaa
Maxamed Ismaaciil Warfaa

Nin aad Been ku keentay hadduu Been kugula soo noqdo Maxaa la yidhaahdaa?

Su’aashaa waxaan uga socdaa Xildhibaanno ku abtirsada Somaliland oo runtii iga yaabiyey!  Inkasta oo ay Muqdisho iyo waayaheedu inta badan ku dhisan yihiin Filin, haddana waxa u dhaami lahayd in ay TV-yada iska qariyaan waa Xildhibaannadaase!

Maxamed Ismaaciil Warfaa
Maxamed Ismaaciil Warfaa

Hase-yeeshee, ay u furantay inay Idaacadaha aayar oo qarsoon ay Faan iyo Been ka sheegi karaan, waayo? Aan sidaa u leeyahay? Waxaan ogahay beenta aannu ku caleemo-saarnay.

Xildhibaannada Somaliland ka soo jeeda dhalasho ahaan ee ka tirsan golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mid mìd mooyaane intooda badani waxay noqdeen calooshooda la-ciyaar. Hayee-yeeshee, waxa ku jira masuuliyiin qiimo leh oo Odayaal macquul ah oo aannu ka yeeli karno ummad baannu metelnaa.

Waxa aad iiga yaabiyey qaar leh waa nala soo dirtay oo waxaannu u taagannahay midnimo Soómaaliyeed iyo qaar u doodaya maqaamka gobalka Banaadir, ayaannu u hadlaynaa.

Waa sax, laakiin in aad ka hadsho ayaa ka horreysa inaanad ahayn oo aanad meteli karin aad u hadasho maqaamka gobalka Banaadir reer Banaadir iyagaaba marti loo yahay ee idinku waxay ahayd inaad xaqooda u raadisaan ummadda aad beenta ugu caleemo-saaran tihiin, nusqaan baanay idinku tahay.!

Wa Billaahi Tawfiiq –

Waxa qoray Siyaasi Mâxamed Ismaaciil (Warfaa).

Muqdisho/Soomaaliya.