Somaliland Aqoonsi La’aan Way Noolaan Karta!!!Qallinka: Cabdillaahi Xasan Budul

Dalka Somaliland ayaa gobanimada ka qaatay gumaystihii Ingiriiska 26. June 1960kii, xilligaasi oo shacbiga Somaliland ay qaaday caadifad Soomaali jacayl oo ku wajahna baadigoobka shanti Soomaaliyeed.

Somaliland ayaa isla sannadkaasi 1dii July bilaa shuruud kula midoobay koonfurta Somalia oo uu gumaysan  jiray Talyaanigi oo iyaguna maalintaasi xornimada qaatay, waxaana halkaasi lagu yagleelay dawladii Soomaaliya.

Siyaasiyiintii iyo gadhwadeenadii reer Somaliland oo filayay in midowgaasi  si siminan loo qaybsan doono kuraasta xukuumada, balse waxa dhacday in taasi meesha ka baxday oo reer koonfureedkii la midoobay ay isku koobeen kuraastii shishlayd sida madaxweynihii, raysalwasaaraha, gaashaan dhiga iwm.

Ka dib markii reer Somaliland ay arkeen sida loola helay tabcada isla markaana laga qadiyay kuraastii muhiimka ahayd xukuumadii la soo dhisay 1960kii ee ay sida cadceeda u muuqatay inaan dan iyo muraad laga lahayd shacbigii iyo gadhwadeenadii Somaliland ee jibada baadi-doonka Soomaaliwayn jiidatay.

Muddo ka dib baa alle ha u naxariistee madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Raysalwasaare ka noqday Somalia xukuumadii madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke ilaahay ha u naxariiste.

1969kii Ina Cigaal oo raysalwasaare ahaa ayaa xukuumadaasi af-gambi milatari kula wareegeen ciidamadu oo uu hogaaminayo Maxamed Siyaad Barre, taas oo quba tidhi wixii hore ayaa waxa meesha ka baxay nidaamkii rayidka waxaana dalkaasi ka talinayay muddo 21 sano ah milatariga.

Xukuumadaasi milatarigu reer Somaliland oo markii hore-ba xukuumadihii rayidka ahaa aan ka helin saamigii ay xaqa u lahaayeen, balse reer Somaliland uun ay haysay jibada Soomaali jacaylka oo cidlo ku dhacay ayaa Siyaad Barre-na beegsaday Siyaasiyiinta, aqoonyahanka, waxgaradka Somaliland, isla markaana dil, xadhig ilaa heer Xasuuq gaadhsiiyay.

Intaa ka dib baa waxa dhacday markii xanuunkii iyo dhibtii loo adkaysan waayay waxa ka dhashay ururkii hubaysna ee SNM, kaas oo ugu dambayntii kadib halgan qaadhaadh oo naf iyo maalba loo huray ka xoreeyay dhulka Somaliland rajiimkii Siyaad Barre.

Somaliland oo wakhti xaadirkan maraysa madaxweyihii shanaad oo saddex madaxweyne oo ka mid ah doorasho toosa lagu soo doortay ayaa aduunweynuhu ku majeerta kala danbayn iyo haykal dawladnimo.

Beesha caalamka ayaa ilaa hada aan aqoonsi caalmiya u fidinin Somaliland oo waddamo badan oo aduunka ah dhinacyo badan kaga horumarsan.

Marka baasha caalamka ayaad mooda inay dhinaca cawajka u shaqaynayaan iyaga oo meelo badan oo amaan dari ka jirto aqoonsaday sida Somailand oo shuruudo badan oo aqoonsi buuxisay-na aanay ictiraafin.

Hadaba xukuumada Somaliland iyo shacbiga-ba waxa la gudboon in Somaliland noolaan karto aqoonsi la’aan looga baahan yahay dadaal iyo inay dhulka, bada intaba kala soo baxaan khayraadka, isla markaana waxsoorka ku tabcaan ayaa gaadhsiin karta horumar, marka baasha caalamka yeelkeed Somaliland aqoonsi la’aam way noolaan karta