Ururka Midnimo oo loo Doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen Cusub

Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Ururka MIDNIMO Cabdicasiis Ibraahim Maxamuud
Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Ururka MIDNIMO Cabdicasiis Ibraahim Maxamuud

Hargeysa(aftahannews):- Ururka Midnimo oo ku midaysan yihiin Dadka ka soo jeeda deegannada Bariga Somaliland ee Qurba-joogga iyo kuwa  gudaha dalka jooga ee kala duwan, ayaa doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye  Ku-xigeen cusub.

Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Ururka MIDNIMO Cabdicasiis Ibraahim Maxamuud
Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Ururka MIDNIMO Cabdicasiis Ibraahim Maxamuud

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddoomiyaha Midnimo, ayaa loo doortay Cabdicasiis Ibraahim Maxamuud, halka Guddoomiye Ku-xigeenka loo doortay Cabdiraxmaan Xaashi Jaamac, ka dib markii ay Xubnaha Ururku isku raaceen in xilkaa hoggaaminta loo dhiibo labadan masuul.

Guddoomiye Ku-xigeenka URURKA MIDNIMO Cabdiraxmaan Xaashi Jaamac
Guddoomiye Ku-xigeenka URURKA MIDNIMO Cabdiraxmaan Xaashi Jaamac

Ururka Midnimo ee ay ku midoobeen Qurbo-joogta iyo Qaran-joogta gobollada Bariga Somaliland qaarkood, ayaa la abuuray ka dib markii ay wax-garadka, dhalinyarada iyo dadka waxbartay ee deegaannadaasi ka damqadeen baahiya ka jira gobollada Bariga oo ay Midnimada Bulshada iyo kor u soo qaadista adeegyada aasaasiga ahi ugu horreeyaan.

Waxa uu Urarka Midnimo ka shaqeyn doonaa Midnimada iyo nabadaynta Dadka wada dega deegaannada Bariga Somaliland iyo sidoo kale Taakulaynta Dadka jilicsan iyo wax ka qabashada adeegyada aasaaska u ah nolosha Aadamaha iyo horumarkooda, sida  Caafimaadka, Waxbarshada, Biyaha iyo wax kasta oo ay taakulayn ka geysan karaan oo muhiim u ah bulshada.

Ururkan ayay u jeedadiisu tahay mid sama-fal, isla markaana inkastoo uu dhisnaa muddo kooban, haddana waxa uu qaaday tallaabooyin lagu diirsaday oo ay Bulshada ay metelayaan amma doonayaan inay danohooda ka shaqeeyaan mahadiyeen, soona dhaweeyeen.

Hoggaanka cusub ee loo doortay Ururka Midnimo, ayaa la filayaa inay hawsha halkaas ka sii wadaan, isla markaana dardar-gelin cusub la yimaaddaan, kana dhabeeyaan hadafka iyo himilada uu u dhisan yahay amma loo sameeyey Ururkan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.