Odayaasha Madasha Wada-tashiga oo Dacwad ku oogay Golaha Guurtida Somaliland iyo Sababta keentay

Hargeysa(Aftahannews):- Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka ee Somaliland, ayaa shaaciyey inay Maxkamadda Sare u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Golaha Guurtida Somaliland iyo Sharciyadda uu waqtigan ku shaqeeyo, dacwaddaas oo ay tilmaameen inay waqtigan sababtay muddo-kordhinta ugu dambaysay ee toddobaadkii hore u sameeyeen markii lixaad golaha wakiillada Somaliland laba sannadood, halka ay iyaguna 3 sannadood korodhsadeen.

Kulanka ay Dacwadda Odayaasha Madashu ugu gudbiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa saacado qaatay isagoo albaabbadu u xidhnaayeen, hayeeshee, markii uu soo dhammaaday, waxaa warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Xasan Guure Jaamac oo faahfaahiyey ujeeddada ay go’aankan dacwadda ah u qaateen.

Xasan Guure Jaamac oo faahfaahinaya Dacwaddan iyo waxa ku dhaliyey, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.