Fannaanadda Kawsar Cali Faarax oo Madaxweyne Biixi ku eedaysay inuu Gabay Wax-tarka Naafada

Hargeysa(Aftahannews):- Fannaanadda Kawsar Cali Faarax oo ka mid ah Fannaaniinta doorka muuqda ka soo qaatay olilihii doorashada madaxtooyada Somaliland ee 2017-kii, iyadoo u heesi jirtay Xisbiga Kulmiye, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedaysay inuu gabay oo uu iska illaaway wax u qabashada Dadka baahiya gaarka ah qaba amma Naafada dalka, iyadoo maanta ku beegnayd maalinta Naafada Adduunka la xuso.

Kawsar Cali Faarax, waxay sheegtay inuu Madaxweyne Biixi iska illaaway dib u soo eegista Dadkii u codeeyey ee soo doortay, waxaanay sidaas ku sheegtay hadal ay ka jeedisay mid ka mid ah Xusaska Ururrada Naafada Somaliland Hargeysa ku qabsadeen Salaasadii Maanta oo ku beegnayd 3-da bisha 12-aad oo caalamka oo dhan laga xuso.

Fannaanadda ku caan-baxday u heesidda Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweyne Biixi xilligii ololaha, waxaannu warkeeda idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.