Suldaan Siyaasiyiinta Somaliland ugu Baaqay inay Joojiyaan Aflagaadda iyo Hadallada Xanafta leh

Hargeysa(Aftahannews):- Suldaan Axmed Maxamed Col-haye oo ka tirsan Madaxda dhaqanka ee Somaliland, ayaa Siyaasiyiinta iyo Madaxda-dhaqameedka Somaliland ugu baaqay inay joojiyaan aflagaaddada iyo hadallada xanafta leh ee Bulshada Somaliland kala irdhayn kara, waxaanu difaacay eedo loo jeediyey dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Suldaan Colhaye waxa uu bogaadiyey Xildhibaannada golayaasha deegaanka ee magaalooyinkka Berbera iyo Gabiley oo uu tilmaamay inay dedaal iyo wax-qabad muuqda u muujiyeen bulshada soo dooratay ee ay u adeegaan.

Waxaannu Suldaan Axmed Maxamed Colhaye oo arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Hargeysa, warkiisa oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.