Somaliland oo laga Xusay Maalinta Naafada Adduunka, Masuuliyiin ka Hadlay iyo Farriimaha Sannadka

Hargeysa(aftahannews):- Maalinta caalamiga ah ee Naafada Adduunka oo sannad kasta la xuso 3-da bisha 12-aad, ayaa maanta oo ay ku beegnayd laga xusay magaalada Hargeysa, waxaana ka qaybgalay Masuuliyiinta Dalladda Ururrada Naafada Somaliland, Madax Xukuumadda ka socota iyo Agaasimaha Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo arrimaha Bulshada Somaliland, Dad aan laxaadkoodu dhammayn, mudan iyo marti sharaf kale.

Waxaa Munaasibaddan lagu xusayey maalinta Naafada Adduunka oo lagu qabtay Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa Madaxda ka hadashay tilmaameen in loo baahan yahay in la garab istaago dadka laxaadkooda waayey, isla markaana loo baahan yahay in qorsho laga yeesho dhinacyada horumarintooda oo adeegyada waxbarashada iyo sidii loogu fududayn lahaa ugu horreeyaan.

Haddaba, Xafladdaas iyo hadallada laga jeediyey siday u dhaceen iyo farriimaha laga dirayba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.