Sanaag: Dabley Weerartay Saldhigga Dhexe Ee Booliska Ceerigaabo

Ceerigaabo (Aftahannews)-Taliyaha booliska ee qaybta gobolka Sanaag Cabdirisaaq Maxamed Faarax ayaa ka warbixyey xalay xilli dambe dabley hubaysani oo soo weerartay saldhiga magaaladda Ceerigaabo, kuwaas oo rasaas ku furey ka dibna cararay.

Taliyuhu wuxuu sheegay in lagu dabo jiro oo baadhitaankoodu socdo, balse aanay jirin wax khasaare ah oo rasaastaasi keentay.