Maxaa Hor-taagan Hirgelinta Laanta Baanka dhexe ee Wajaale oo ku Jiray Miisaaniyaddii 2019? Faallo

DHAGAX-DHIGGA LAANTA BAANKA DHEXE EE WAJAALE IYO WASIIR KAAHIN 2019
DHAGAX-DHIGGA LAANTA BAANKA DHEXE EE WAJAALE IYO WASIIR KAAHIN 2019

Wajaale(aftahannews):- Inkasta oo marar badan la dhagax,dhigay lana Calaamadiyay dhismaha Laanta Baanka Tog-Wajaale ee Degmadaasi Xudunta Ganacsi ahi yeelan laheyd haddana Waa Su,aal.ay inta badan isweydiiyaan guud ahaanba Ganacsatada iyo Shacabka ku nool gudaha Magaalada Tog-Wajaale ee dhinaca Daanta Somaliland, Maadaama Tog-Wajaale dhinaca Daanta Itoobiya ay leedahay in ka badan Tobaneeyo Baan oo Bankiyadda Ganacsigu Ka jiraan.

DHAGAX-DHIGGA LAANTA BAANKA DHEXE EE WAJAALE IYO WASIIR KAAHIN 2019
DHAGAX-DHIGGA LAANTA BAANKA DHEXE EE WAJAALE IYO WASIIR KAAHIN 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Masuuliyiinta Baanka Dhexe Ee somaliland oo Socdaal ku tagay horaantii Sanadkii 2018kii Magaalada tog wajaale ayaa dhagax dhigay balana qaaday, in Sida ugu dhaqsaha badan loo hirgalinayo, dhismaha laanta Baanka ee Degmada Tog- wajaale taasi oo baahi wayn loo qabo.

Marka aad Gees kasta ka joogsato, haddey Noqoto In Tog-Wajaale kamid tahey, Sayladaha Dhinaca Isku Badelka iyo Sarifka lacagaha Qalaad ee Saamaynta ku leh Isticmaalka Shilinka Somaliland oo Baanka Somaliland Damaanad Qaadey, Si Shilinku qeyb uga Noqdo Lacagaha Lagu kala iibsanayo Noocyada Badeecadaha Ganacsi.

Guddoomiyaha Baanka dhexe Somaliland Cali Ibraahim (Baqdaadi), oo isaga laf ahaantiisu socdaal indho indhayn ah ku tagay Magaalada Tog-wajaale islamarkaana, kormeer kusoo maray dhinaca Daanta Itoobiya ee Magaalada wajaale oo ay ka furan yihiin inka badan 13baan, ayaa xusay in ay muhiim tahay hirgalinta Baanka somaliland ee wajaale oo ah magaalo ay ku kulmaan ganacsato Fara baddan oo guud ahaanba ka kooban kuwa Soomaalida ugu Waawayn iyo Ganacsato tiro badan oo iyaguna Itoobiyaan ah.

Illaa iyo hadda Muu Noqon Qorshe Sidii loogu talagaley loo hirgaliyay Dhismaha Laanta Baanka Tog-Wajaale, kaas oo dhinaca Maamulka D/hoose ee Degmada Tog-Wajaale bixisey dhulkii laga Binayn lahaa, Iyadoo hadalhaynta Dhismaha Baaqdey ee Laanta Baanka Somaliland ku yeelan lahaa Magaalada Tog-Wajaale uu yahey mid Subaxdii Eebbe keenaba taagan, Waxa indhawaale la isla dhex marayay Dareeno ka dhashey Waxa Sababta u ah Dib-udhaca dhismihiisa ku yimid oo markii hore la filayay in la dhammeystiri doono baahida loo qabo awgeed horraanta Sannadkan 2019ka.

Hase-yeeshee, Tibaaxaha Xanshashaqa Bulshada iyo Ganacsatada ayaa loo aaneynayaa in uu qeyb ka yahey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ay hoos yimaadaan Maamulka Degmooyinka iyo Goboladu islamarkaana, laga sugayay Qoraal uu ku cadaynayo kuna Amrayo Maamulka Degmadu in ay gacan ka siiyaan Maamulka Guud ee Baanka Somaliland Dhismaha Laanta Baanka Degmada Tog-Wajaale.

Waxa uu Wasiirka Guduhu ka Warwareegay bixinta Qoraalkaasi oo sida la Sheegay laga daba Socdey mudo kow iyo Toban Bilood ah ilaa iyo hadana lama garanayo in ay ka tahey Badheedhe uu isku diidsiinayo in Dhismaha Baankan laga hirgaliyo Degmada iyo in ay ka tahey Shaqo Xumadda Dhinaca Wasaaradda ee Saamaynta ku yeelatay Guud ahaanba Gobolada iyo Degmooyinka Dalka oo si Degmo kasta iyo Gobol Kasta si xoog ah looga dareemayo tan iyo intii uu Qabtey Xilka Wsaaradaasi.

Waxaaney muddooyinkii u dambeeyay Shacabka Reer Tog-Wajaale si aad ah u hadalhayeen in uu Wasiirku usoo direy Degmada Tog-Wajaale Wasiir Kuxigeenka Wasaarada si loo hubiyo Goobta laga binaynayo Laanta Baanka balse, Waxa la isku Waafaqasan yahey in uu Wasiirku Qorshayaal uu kale kaga dhaga-adegay maadaama Degmada Oodweyne loo dhakeys tirey Dhismihii Baanka ee Degmadaasi oo isku xil masuuliyiinta baanka dhexe shaaciyay hirgalintooda.

Sikasta oo ay Tahey, Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Waxa ku godan Far aan Wali.la akhriyin Xuruufa Cilaheeda oo Gobolka Gabiley, iyo Guud ahaanba Degmooyinkiisa uu ku eekyasiyay dhinaca Maamulka Wasaaradda Arimaha Gudaha Geesta kalena Waxa jirey in Wakhtigii Xukuumadii Madaxweyne Daahir Daahir Rayaale dhulkii loo dhagax dhigay Dhismaha Baanka ay suurtoobi Weyday Xiligii Xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo, taas oo aan la garanayn Sababta loo Isticmaalay dhulkii loogu talagalay.

Xigasho Wajaalenews.