Mucjisadda Dunnidda: 18,000 Oo Sannadood ayuu Baraf Ku Xayirnaa!

Cilmi-baadhayaasha caalamka ayaa isku dayaya in ay kala caddeeyaan in xayawaan da’diisu lagu sheegay 18,000 oo sanno oo dhawaan laga helay gobolka Siberia ee dalka Ruushka uu yahay Eey.

Xayawaankan oo la sheegay in uu laba bilood jiray markii uu dhimanayay ayaa laga helay dhulka aadka u qaboow ee barafka uu fadhiyo ee dalka Ruushka, waxaanna wali aan isbedelin sanka, ilkaha iyo dhogortii uu ku dhashay.Tijaabo dhanka hiddo-sidayaasha ah oo laga qaaday xayawaankan ayaa wali kala caddayn waxa uu yahay.

Khubarada cilmi Sayniska ayaa sheegaya in ay suurtagal tahay in xayawaankanni uu yahay tafiir u dhexeeya Eeyga iyo Yeeyda.Baadhitaan ay khubaradu sameeyeen ayaa lagu ogaaday da’da xayawaankanni iyo muddada uu barafka ku dhex jiray. Baadhitaanka ayaa sidoo kale lagu ogaaday in xayawaankanni uu yahay lab.

Dave Stanton oo ah cilmi-baare ka tirsan xarun lagu baaro taariikhdii dhore ee noolayaasha oo ku taal dalka Sweden ayaa telefishinka CNN u sheegay in baadhitaanka hiddo-sidaha lagu ogaaday in suurtagal ay tahay in xayawaankanni uu yahay tafiirtii ama faracii ay ka soo askumeen Yeeyda iy Eeyga”Waxaan haynaa macluumaad badan oo aan baadhitaankaasi ku ogaannay. Macluumaadkaasi ayay suurtagal tahay in lagu kala sii ogaado in xayawaankani yahay Eey ama Yeey,” ayuu yidhi Dave Stanton.

Saynisyahannada ayaa sii wadi doona baadhitaannadda dhanka hiddo-sidaha (DNA), waxa aynna ku rejo weyn yihiin in wax badan laga ogaan doono heerarka kala geddisan ee tafiirta Eeygu soo martay.

Xayawaankanni ayaa hadda loo bixiyay “Dogor”, waana magac ka soo jeeda luuqadda qowmiyadda Yakut ee degta dalka Ruushka oo micna ahaan ah (Saaxiib)

Khubarada ayaa rumeysan in Eeygu uu asal ahaan ka soo jeedo Yeeyda balse waxay wali dood ka taagan tahay marka la billaabay in la dhaqdo Eeyga.

Daraasad la daabacay sannadkii 2017 ayaa lagu sheegay in bani’aadamku uu billaabay inuu dhaqdo Eeyga muddo haatan laga joogo qiyaastii 20,000 ilaa 40,000 oo sanno.

Xigasho BBCSomali.com.