Adayggii Muuse Biixi loogu ololeeyay (WQ: Mohamed Sulaiman)

Filed under: Aragtida Bulshada |

In musharrax Muuse Biixi Cabdi ahaa askari, sarkaal milatari ama dagaalyahan jabhadeed, waxa ay dad badan siinaysay sawirka hoggaamiye leh qofnimo adadag iyo shakhsiyad qallafsan. Sawirka caynkan ahi waxa uu caqabad ku ahaa iibgaynta musharraxa oo aan muuqiisaasi dad badan cunaha u dhaafi karin. Marka laga tago saamaynta xooggan ee ay siyaasadda qabyaaladeed ku leedahay codaynta shacabka, shaki kuma jiro in Muuse helay xeeldheerayaal olole, kuwaas oo shakhsiyaddii sidaas loogu merganayay u rogay sabiib la liqi karo.

Xaaladdii habacsanayd ee dalku ku jiray ayaa loo sawiray mid aan ka fursanayn nin adag oo ummadda kala dabbaasha. Dabadeedna waxa loogu ololeeyay “waa nin adag; dalku xaalad adag buu ku jiraa oo nin adag ayaa ka saari kara; dooro hoggaamiye go’aan leh; ballanteennu waa sarraynta sharciga; waa nin soo halgamay; iwm.” Erayadaas oo dhammi waxa ay ka turjumayeen adayg qofnimo, mid habdhaqan iyo mid hoggaamineed. Sidoo kale, waxa ay muujinayeen in Muuse yahay ama noqon doono qof ku adadag kudhaqanka sharciga iyo hirgalinta go’aannada maamul labadaba.

Dhinaca kale, iibgaynta caynkan ahi waxa ay duurxul u ahayd madaxweynihii waqtigaas joogay oo loo badinayay in talada lala wadaago iyo debac baahsan oo ka jiray isku maamulka sharciga iyo haykalka dawladnimo. Inkasta oo Siilaanyo iyo xukuumaddiisuba lafdhabar u ahaayeen doorashadiisa, haddana, farriimaha ololaha Muuse waxa ay marar badan ka dhigayeen nin xisbi mucaarad ah ka loollamaya oo Siilaanyaha dhisaya ka ridanaya. Waxa kale oo suurtagal ah in loogu duurxulayay hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn ee Waddani, Md. Cirro oo lagu sheego in uu yahay nin aad u macaan.

Haseyeeshee, marna la isma weyddiinnin xaaladda adag ee ninka adag u baahan cidda dalka galisay iyo sida ay isla ciddaasi mar kale xaaladdaas dalka uga saari karaan. Waxa kale oo aan fursad loo helin boqollaal weyddiimood oo masiirka iyo aayaha ummadnimo u wanaagsanaa, kuwaas oo ay dadka ka qarinayeen jibbada, ladhka iyo qiirada daran ee siyaasadda qabyaaladeed. Ilaa maanta, lama hayo fursad si miyirqabta looga fikiro sida ay ficilladeennu u qaabaynayaan timaaddadeenna.

Dadkii kolkii horaba caashaqsanaa waxa ay aad ugu riyaaqsanaayeen sida uu dalku u barwaaqoobi doono iyo sida Kulmiyihii toddobada sanno jilicsanaa hal mar u adadkaan doono. Waxa naruuro u ahayd oo ay aad ula dhacsanaayeen sida musharraxa ay wataan u hadli karo warqad la’aan, u khudbadayn karo saacado badan, haddii loo baahdana u orordi karo ee u firfircoon yahay. Waxa se yaab leh kolka aad ogaatid in musharraxa dhallinyaranimadiisa la majeeranayaa xilligaa la dooranayay ahaa 70jir.

Siilaanyo waxa loogu ololeeyay ‘beeshu way harraadday’, deetana waxa uu dalku galay 7 sanno oo abaar iyo roobwaa u badan. Sida ay labadaas xaaladood xidhiidh u yeelan karaan ama aanay u yeelan karin si la mid ah ayuu u jiraa xidhiidh ka dhexeeya ama aan ka dhexaynnin adayggii Muuse Biixi loogu ololeeyay iyo xaaladda sida adag u kakan ee uu maanta dalku ku jiro.

You must be logged in to post a comment Login