MuddoKordhin Iyo Gole FadhiiddaQallinkii:  Cabdillaahi Xasan Budul

Golaha Guurtida Somaliland
Golaha Guurtida Somaliland

Wakiilada Somaliland ee wakhti xaadirkan muddo kordhin laba sannadood ah Golaha guurtidu qalinka ugu duugeen ayaa doorasho toosa ku yimid 2005tii, ayaa kuraasta ku fadhiyay shan iyo toban sanadood.

Golaha Guurtida oo Muddo-kordhin lixaad u sameeyey Golaha Wakiillada Somaliland 2019
Golaha Guurtida oo Muddo-kordhin lixaad u sameeyey Golaha Wakiillada Somaliland 2019

Golaha oo codka shacabka reer Somaliland ku yimid ayaa tan iyo muddadaasi dheer ee ay kuraasta yuurureen aan curinin barnaamij ama wax faa’iido weyni ugu fadhido dalka iyo dadka-ba, kuwaas oo xilka culus ee ay dalka iyo shacabka u hayaan aad moodo inaanay ogayn ama u haysanin inaan lala xisaabtamayn.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u qaybsama ilaa saddex kooxood qaar waxay ogyihiin xilka ay hayaan, balse markii ay waayeen hadafkii iyo himiladii ay ugu jireen xilligii ololaha doorashadooda ee ay ku hamiyayeen inay wax isbadal la yimaadaan ay noqdeen dani ku baday, waxaana la yidhi Col kaa badan iyo biyo way ku hafiyaan.

Kooxda labaad xaaladu halkay marayso waxba kalama socdaan oo waxay sugaan mooshin cod loo qaadayo, isla markaana waxay raacaan inta ay iskugu dhow-dhow yihiin xaga ay u codeeyaan.

kooxda saddexaad waa xubno iyagu aad mood inay dilaaliin ka yihiin golaha dhexdiisa oo u kala dab qaada xukuumadihii Rayaale, Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo aad waayo-arag ugu ah mooshinada xasaasiga ah ee xukuumaduhu danaynayeen ansixintooda.

isku soo duub golahan wakiilada ayaa tan iyo wakhtigaasi ay doorashada tooska ah ummada hor yimaadeen ayaa xeerar badan oo loo baahna oo muhiim ah aanu ka soo bixin sida xeerkii caasimada dalka.

Golahan ayaa xilliga ay baneeyaan kuraasta oo laba sanadood ka dib waa maalin dhow haddii Ilaahay idmo lagu xasuusan doona arrimo doora oo taariikhda-na u gali doonta. Iyadoo dad badan oo u dhuun daloola wakiiladu ay sheegaan in golihii iyaga ka horeeyay aad uga wanaagsanayeen marka loo eego dhinacyo badan.

Muddadaasi dhawr iyo tobanka sanadood ee golahani jiray ayaa lagu xasuusan doona mushahar isku kordhin ay qalinka ugu duugeen golaha guurtida halka iyagana aqalka odayaashu mushahar kordhin u sameeyay.

 Sida uu dhawaan maqaal ku baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta mudane golahaasi ka tirsani ka xogwaramay in aqalka sharci dajinta wakiilada uu ka tirsan yahay ku fashilmay waajibaadkii loo igmaday, isla markaana noqday gole fadhiid ah oo aad u gaabiyay xilgudashadii ka saarnayd dalka iyo shacabkii soo doortay.

Mudane Siciid Cartan ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in golaha wakhtigani mudanayaashu ay noqdeen qaar aan hal-abuur iyo inay wax faa’iido leh curiyaan la imanin saaxada oo uu tilmaamay kuwo u fadhiya meesha oo suga uun mooshin cod loo qaado, xildhibaankaasi waxa uu xusay in daba-galkii looga baahna golaha wakiiladu inuu xukuumada ku daba joogo aan si mug leh u gudanin waajibaadkii saarna.

Sidaa darteed shacabka Somaliland waa inu dareen iyo dhug u lahaada xildhibaanada ay soo dooranayaan mustaqbalka dhaw inay aad uga fiirsadaan haddii kale si aanay ugu hungoobin golaha wakhtigan muddo kordhinta loo sameeyay.