Madaxwayne noo Magadhow amma noo Sarrif Guddoomiyaha Golaha dhexe

Maxamed Ismaaciil Warfaa
Maxamed Ismaaciil Warfaa

Waxa Maxamed Ismaaciil Warfaa

Waxaan baryahan dhagahayga ku soo dhacaya masuul masuul kale eed dusha ka huwinaya balse aan cadeymo soo raacinayn .waxaan kaloo arkayaa maskiin cid kale wax ka sheegaya oo inta lala boodo markiiba maxkamada la gaynayo lana leeyahay soo cadee hadalkaad tidhi.

Maxamed Ismaaciil Warfaa
Maxamed Ismaaciil Warfaa

 

LoopKadibna sidaasi sanaddo ama bilo badan ku xidhnaanayaa anigoo iswaydiinayaa maxaa masuulku markuu masuulka kale eed dusha ka saarayo loo odhan wayay cadeynteeda keen.

Waxaan arkay dr gaboose oo mawduuc ka hadlay balse ay masuuliyiin kale duwani u jawaabeen ha ugu horeeyo gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye maxamuud jaamac warfaa (wadka ) isagoo yidhi dr gaboose waa shaqsi ugu badan qaadhaanka siiya jabhada caare iyadooynu ogsoonahay in madaxwaynahu caare iyo jabhadiisaba ku tilmaamay inay yihiin dambiilayaal qaran oo danbi culus ka galay qaranimada soomaliland cidda gacan siisana tahay cid ku xadgudubtay kuna tageersan fal danbiyeedka uu ku kacay sarkaalku hadaba waxaa iswaydiin mudan masuulkan qaranka masuuliyadda wayn ka haya ee ah xildhibaanka ee xisbi xaakimkana ka ah masuulka ugu sareeyaa golaha dhexe misena waxaanu cadeymo u hayn sheegaya hadana shaaric ka sheegaya waxa talaabo looga qaadi waayay maxaa loo waydiin waayay cadeynta uu ku xaqiijinayo in uu gaboose dhaqaale iyo gacan qabashada siiyo oo uu hubeeyo jabhada danbiilayaasha qaran loo aqoosaday?

Mise sheekadaa ah yaa loo cawdaa yaase laga cawdaa ?oo masuuliyiinta qaranku way ku wada socdaan arrinkan ?aniga shaqsiyan labo waxbaa iisoo baxay waa mida koobaadee goboomiyaha ahna xildhibaanka in loo soo dhiibay kalmadahaa oo la leeyahay u jawaab waxaad doontaana ka sheeg cidi kula hadli maysee.

Waa ta labaade in gudoomiyaha xabbada la isaga dhigayo oo la doonayo in isku dhac ama ficil xumo dhax marto beesha uu ka soo jeedo iyo deegaanka dr gaboose ama in beesha dhakhtarku kasoo jeedo la iska hor keeno lana muujiyo in beesha xildhibaanku ku taabacsantahay arrintan aflagaada ah dagaalkeeduna cadyahay tan danbe ayaanay u badantahay fikirkeyga iyo aragtidayda kooban hadaba anigoo ah beesha uu ka soo jeedo xildhibaan maxamuud jamac warfaa waxaan leeyahay madaxwaynaha inankeyagii waad dishay rasaastii kugu socotayna isagaad isaga dhigtaye annaga noo sarif oo waxaanu ku badalano kagana samirno inankayaga na tus midhaha aanu aragno oo aanu la fikir noqonee isaguna marba ciduu doono hakaa difaaco xabbaduu doonana ha isku dhigee.

Sidaas darteed waxaan madaxwayne markale kugu adkeenaynaa in beesha uu ka soo jeedo xildhibaanku ee toljecle aad 4 agaasime iyo 1 wasiir buuxa ugu badasho magdhowgii boqolahaas aad rasaasta isaga dhigtay.

Waxa kale oo aan gaboose iyo beeshiisa leeyahay wixii gaf iyo qalooc ah ee uu ku kacay gudoomiye wadka xaal ka qaata mana aha arrin beel ahaan iyo qof ahaan ba aanu kaga raali nahay waxaanan sigaar ah ugu xunahay in uu gudoomiyahu wax kasheego shir beeleed oo aragti ahaan aanu kala simAnahay beelaha kale ee Somaliland.

Wa Billaahi Tawfiiq.

Waxa Maxamed Ismaaciil (Warfaa).