Qaban-qaabada Bandhigga Buugaagta Laascaanood oo Meel Wacan Maraya

Qaban-qaabada Bandhigga Buugaagta Laascaanood oo Meel Wacan Maraysa.

Laascaanood (aftahannews): Bandhiga buugaagta ee Laascaanood Book Fair ayaa la filayaa in uu horraanta bisha soo socota ka furmo magaaladda Laascaanood, kaas oo ay hadda socoto qaban qaabadiisu. Waxaana qaban qaabada bandhig carweedkaasi gacanta ku haya urur ay ku midoobeen naadiyadda gobolka Sool ka jira, oo magaciisa loo soo gaabiyo MIDHSOOl.

Cismaan Cabdinuur Xaashi (khaliifka) oo ka mid ah hawlwadeenada u xilsaaran dejinta barmaamijyada iyo habsami u socodka qabsoomida munaasibadaasi ayaa wareysi ugaga waramey khadka telefoonka warbaahinta isagoo ku sugan magaalada lascanod Laascaanood ayaa waxa uu yidhi.

“Waxaa si habsami ah u socota si weyn-na looga dareemayaa magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool qaban qaabada qabsoomida Laascaanood Book fair, munaasabadeeda oo ku muddaysan inay qabsoonto 10 bisha December ee soo socota. Waxaana qaban qaabinta u xil saaran Akeddemiyadaha ka jira gobolka Sool.

Naadi ay ku midoobeen oo loo soo gaabiyay MIDHSOOL. Waxaana kulanka maalintaa loo cayimay ku casuuman inay ka soo qaybgalaan inta ku hadasha luqadda afka soomaaliga”.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Kuwaasoo isaga imaan doona dalka gudihiisa iyo dibadiisa, waxaanay isugu jiraan, Acedemiyada afka soomaaliga ee xarumaha ku leh dalka iyo dibadiisa, Hay’adaha cimibaadhisaha ee xarumaha ku leh dalka gudihiisa iyo dibadiisa, Qalinleyda iyagu luqada afka soomaaliga raaca, Suugaanyahanada, Aqoonyahanada.

Jaamacadaha wakiilo ka socda, Waxgarad, Iyo cid kasta oo danaynaysa munaasabadan aan soo sheegay inay ka soo qayb gasho, waana maalin bulshada deegaankan u ah maalin weyn isla markaana ay shacabka gobolkani ku jiraan u diyaargaroobida soo dhaweynta marti sharafka maalmahaa martida u ahaan doona”.

Waxaanu intaa raaciyay “Munaasabadan ka qabsoomi doonta magaalada laascaanood ee ”Lascanod Bookfar” waxaa maalgelisay Hay’adda Samafalka ee ‘’ STEADFAST VOLUNTARY ORGANIZATION (SVO), taasoo ka hawlgasha geeska africa, isla markaana xarumo ku leh Laascaanood, Hargaysa, Jigjiga, Addis Ababa, Nairobi.

Sidaa awgeedna ay hay’adda iyo saraakiisheeda sare sare oo uu hormuud ka yahay Gudoomiyaheeda Ceo/ Abdikarem Said Abdi ay isla gudoonsadeen inay qabtaan hay’ad ahaan ka, iyaga oo guddooonak ay isla qaateen ka dib isla qaatay inay u xushaan in goobta ay ku qaban doonaan isla markaana ay u xusheen noqoto xarunta laascaanood ee Gobolka Sool” ayuu yidhi.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxaanu noqday guddoonkaasi mid ay la qaataan maamulka gobolka ee heer degmo iyo heer gobolba, run ahaantiina shacabka magaalada lascanod iyaga oo ka jawaabaya martigelinta maalintaa ay maalmaha koobani ka dhimani yihiin ayaanay iyagana nasasho u lahayn, taas oo sababtay in laga dareemo qabanqaabada bandhiga buugaagta ee ‘’lascanod Bookfair”, iyada xaruntan laascaanood iyo gobolkeeduba ay caan ku yihiin martigelinaha sidan oo kale u leh miisaanka, insha alaahuna waxaanu rajeynaynaa inay si sharaf iyo maamuus xusuusreebta ku soo dhamaata’’ ayuu yidhi khaliif cismaan cabdinuur xaashi.

Faisal Ahmed karshe.