Af-soomaaliga Oo Qarka U Saaran Inuu Burburo Iyo Qoddobadda lagu Badbaadin Karo. Qallinkii Cabdifataax Shaafi

Sida la wadda ogyahay waxaa jira afaf aad u tira-badan oo lagaga hadlo dunida, sida la qiyaasayo waxaa jira ilaa todoba kun (7,000) oo luuqadood ama afaf, oo kala duwan kuwaas oo ay ku hadlaan dadyowga kala duwan ee dunnidda ku nooli, afafkan oo dhammaantood leh dad u gaara oo isticmaala kuna hadla, ayaannay haddana dhamaantood caan ahayn oo aan caalamka intooda badan laga aqoonin, iyadoo ay sabab yihiin arrimo badanni, sida qaab dhismeedka dunnida maanta, tayada aqoonta ummadi leedahay, baratanka ku dhisan Ganacsiga iyo luuqadaha dunnida oo ku qotoma hab-guumeysi iyo arrimo kale oo badan. Luuqadahan ama afafkan tiradda-badan ee aan kor ku soo xusnay waxay leeyihiin dham-qamo u gaara oo ay ku suntan-yihiin ama lagu yaqaanno ummada isticmaasha ama ku hadasha.

Arrimahan aad kor ku soo xusney waxay sababeen in afaf badan ay baa-ba ku dhow-yihiin ama tirtrimeen, Warbixino kala duwan oo la soo saarey sannadihii aynnu soo dhaafnay waxay sheegayaan in maalin walba ay afaf baabaan kuwaas oo la hoyday ama la tagay dhaqan-doodii u gaarka ahaa iyo xadaaradahoodii.

 Warbixin uu soo saaray ururka Waxbarasha, Sayniska iyo dhaqanka ee Qaramada Midoowday(UNISCO) waxa uu sheegayaa in afar iyo tobankii(14) cishoba ay luuqad dad leeyihiin ay tirtirman ama la waayo, iyadoo taa daliishanaysa waxay saadaalineysaa ama hilaadineysaa in ay in ka  badan saddex boqol (300) oo luuqadood ay baabi ama tirtirni doonaan dhamaadka qarnigan aynnu ku jiro.  Warbixinta uu ururku shaaciyey waxay sheegeysaa in afafka adduunku ay isugu soo hadhi doonaa afaf aad u yar, maadama dhaqamo badanni ay baaba’een xadaarada adduunkana ay waddamo tira yari gacanta ku hayaan.

Waxyaabaha I soo jiitay ee ay warbixintani sheegayso waxaa ka mid ah in af-soomaligu uu safka hore kaga jiro afafka laga cabsi qabo in la waayi doono dabayaaqadda qarnigan aynnu ku jirno,iyadoo loo sababaynayo isbedelka xowliga ah ee ay dadkiisu ku socdaan. Taa mid ku lid ah dad badan ayaa qaba in afka hooyo aannu tirtirmi doonin in inta dadka ku hadlaayaa joogaan, laakiin uu dhaciifi doono,sida hadaba ka muuqata.

Hadaba waxaynu is wayddiin doona sida ugu wanaagsan ee af ummadi leedahay uu u noqon karo mid sii jira, afafka kalena aynna saameyn ugu yeelan Karin.

Waxaa jira qodobo dhowr ah oo haddii la qaado ama la sameeyo adkayn kara ama xoojin kara dhumucda afka ay leedahay ummadi. Inagoo qodob qodob u soo qaadan doona arrimahan ayaan rabaan in aan idin la waado.

1-Wwaxayaabaha ugu culus ee af ay ummadi leedahay lagu ilaalin karo waxaa ka kow ah waxbarashada oo lagu tabiyo ama lagu dhigo afka hooyo, taasi waxay saamaxaysaa in afku uu xoogaysto siina jiro, iyadoo sida ay u kala hooseeyaan loo kala xoojinayo sida dugsiyada hoose, sare iyo jaamacadahaba.

2- wWarbaahinta wadan leeyahay waxay ay sawireysaa dhaqanka halkaa yaallaa, riwaayadaha sida kuwa Masraxiyadaha,Barnaamijo fanneedyadda, Suugaanta, ama kuwa Tiyaatarada lagu dhigaa waxay ilaalin u yihiin ilaalinta erayo lumi lahaa. isticmaalka afka xeelada dheer ee ay goob warbaahineed isticmaaleyso waa waxyaabaha la tijaabiyey ee la ogaaday in ay dheereeyaan jiritaanka afka.

3- Waa in xukuumada mar-ba taladda heysa siday uga go’antahay ilaalinta afkeeda, iyo sameynta cilmi-baadhisyo dheeri ah si marba loo qiyaaso xaalada afku halka uu marayo. Waxa jira iyaguna habab kale oo iyaguna ka qeyb qaadan kara adkeynta iyo xooginta afka, laakiin waxaa marag ma doon ah in qodobadan aynnu soo sheegnay dabaqi-dooda  aynaan wadadeedii haynin, taasi waxay si cad kuu tusaysaa in ay wax ka jiraan warbixintaa aan kor ku soo sheegnay iyo jabka ku dhacay afkeena hooyo.

Ugu dambeyn waxaan ku soo gaba gabeynayaa aynnu xil iska saarno unna istaagno in aynnu wada ilaashano afkeena hooyo,maadama uu yahay taariikhdeena, shaqsiyadeena iyo jiritaankeenna bulsho af middeeyo.