Badhasaabka Sool Oo Xadhiga Ka Jaray MCH Laga Hirgeliyay Degaanka Higlo-Caanood

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SOOL IYO MADAX KALE OO FURAY XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB 2019
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SOOL IYO MADAX KALE OO FURAY XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB 2019

Laascaanood(aftahannews):- Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa maanta xadhiga ka jaray xarun caafimad oo laga hirgeliyay degaanka Higlo-Caanood oo ka tirsan gobolka Sool.

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SOOL IYO MADAX KALE OO FURAY XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB 2019
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SOOL IYO MADAX KALE OO FURAY XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xaruntaasi caafimaad oo ay dhismaheedda iska kaashadeen bulshadda degaanka Higlo-Caanood waxaa fulisay ururka wadaniga ah ee TASDO. MCH-kaasi oo noqonaya kii u horeeyay ee laga hirgeliyo degaanka Higlo-Caanood, kaasoo ay baahi weyn u qabeen guud ahaanba bulshadda degaankaasi gaar ahaana caruurta iyo hooyooyinka.

Munaasibaddan waxaa qayb ka ahaa madax dhaqameedka gobolka Sool oo ay ka mid ahaayeen Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale, Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed iyo Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullaahi Nuur.

Sidoo kale waxaa xafladaasi joogay duqa degmadda Laascaanood, taliyaha qaybta booliiska gobolka Sool, isu-duwaha wasaaradda caafimmaadka gobolka iyo abaanduulaha qaybta 7-aad ee ciidammada qaranka Somaliland.

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Jiidhe, oo hadal ka jeediyay munaasibadii uu xadhiga kaga jaray MCH-kaasi ayaa balan qaaday in ay  ka maamul ahaan ay dhisayaan Dayrka MCH-kaasi, maadaama oo bulshadda degaanku intii kale dhisteen.

 Iyadoo isla maanta-ba uu  dhagax dhigay badhasaabku dhismaha darykaasi ay ka maamul ahaan dhisayaan.

Waxaanu sheegay badhasaabka in xaruntani ay wax badan ka tari doonto baahiyaha dhinaca caafimaadka ee  aasaasiga u ah bulshadda degaankaasi  gaar ahaana  hooyada iyo dhalaanka.

Waxaanu yidhi, “Waxa uu noo ahaa safar  iyo madal qiima badan in aan gaadhno qayb-na ka soo qaadano waxqabadka muhiimka ah ee bulshadda degaanka Higlo-Caanood ay ugu istaageen inay MCH-kii ugu horeeyay ay degaankan ay ka yag-leelaan. Dhismaha MCh-kaasi oo uu fuliyay ururka wadaniga ah ee TASDO.

Anagoo maanta dhagax-dhignay, ayaanu ballan qaadnay mar haddii ay bulshadu inta kale diyaariyeen in ka maamul ahaana aanu ka caawino dayrka xaruntan aasaasiga u ah bulshadda degaankaasi,  si gaara hooyada iyo dhalaanka”.

Badhasaabka ayaa u mahad celiyay madax dhaqameedkii iyo masuuliyiintii munaasibadda joogay. Waxaanu yidhi, “Munaasibaddan waxaa qayb ka madaxda dhaqanka gobolka Sool qaar ka mid ah,  oo kala ahaa Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale, Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed iyo Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdullaahi Nuur.

Hawshan oo ku soo dhammaatay guul waxa kaloo igu wehelliyay duqa degmadda Laascaanood, taliyaha qaybta booliiska gobolka Sool, isu-duwaha wasaaradda caafimmaadka gobolka iyo abaanduulaha qaybta 7-aad ee ciidammada qaranka Somaliland”.

Geesta kale badhasaabka ayaa ku amaanay madax dhaqameedka gobolka Sool sida xil-kasnimadda leh ee ay u garteen in ay ka qayb qaataan horumarinta bulshadoodda.

 “Waxaanan uga mahad cellinayaa ku-na amaannayaa in Isimadu gartaan garab-istaaga iyo dhiirigellinta horumarka degaanadoodda.

Waxaa guul ah in si ficila gobolka ay uga taabagashay farriinta iyo siyaasadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ee ku aaddan waxqabad iyo wadajir horseeda horumar”ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.