Hargeysa: Dowladda Hoose oo bilawday Hawlgal lagu Hubinayo Nadaafadda Hudheellada iyo Makhaayadaha Shaaha

MAACUUNKA HUTEELLADA HARGEYSA OO DAWLADDA HOOSE GURTAY
MAACUUNKA HUTEELLADA HARGEYSA OO DAWLADDA HOOSE GURTAY

Hargeysa(Aftahannews):- Dowlada Hoose ee magaalada Hargeysa, ayaa bilawday hawl-gal ay ugu kuur-galayso fayo-qabka iyo nadaafadda Weelka ay wax ku kariyaan Hudheellada yar-yar, Makhaayadaha Shaaha iyo Dukaammada caasimadda Hargeysa qaarkood.

MAACUUNKA HUTEELLADA HARGEYSA OO DAWLADDA HOOSE GURTAY
MAACUUNKA HUTEELLADA HARGEYSA OO DAWLADDA HOOSE GURTAY

Sawirro laga qaaday Weelasha Hudheellada iyo Makhaayadaha Shaaha ee magaalada qaarkood, ayaa muujinaya in aanay caafimaad ahaan u wanaagsanayn Weelkaasi, isla markaana waxa ka muuqatay fayo-dhawr la’aan iyo nadaafad liidata, iyaga oo weelasha iyo adeegyada aan isticmaal ahaan fiicnayn qaarkood waxay hawl-wadeennada dowladda hoose u qaadeen xarunta dowladda hoose ee Hargeysa, si aan loo sii isticmaalin.

Hudheelada yar yar ee magaalada Hargeysa, ayaa intooda badan aan lahayn fayo-dhawr wanaagsan, waxaana dad badani ay ka dayriyaan shaqadooda iyo badqabka cuntada ay iibinayaan, sidoo kale waxaa laga dayriyaa goobaha dawooyinka oo dawooyin wakhtigoodu dhacay amma aan tayo fiican lahayn dadka ka iibiya iyo weliba Bakhaarrada iyo Dukaammada oo iyaga laftooda lagu eedeeyo badeecado wakhtigoodu dhacay inay bulshada ka iibiyaan.

Hubinta iyo daba-galka nadaafadda goobaha lagu iibiyo Cuntooyinka, Dawooyinka iyo guud ahaan Meheradaha kala duwan ee Bulshadu ka adeegtaan ee magaalooyinka, waxaa masuuliyad gaar ahi ka saarantay Waaxda Fayo-dhawrka Dowladaha hoose, waxaana alaabooyinka wakhtigoodu dhacay, nadaafad-darrada goobaha cuntooyinka iyo wixii la mid ah ay tahay daba-galaan oo ay Bulshada ka hubiyaan.

Haddaba, haddii ay dowladda hoose ee caasimadda Hargeysa hawl-galkan oo marba marka ka dambaysa sii diciifayey, isla markaana cidda lagu qabto Raashin dhacay, Sharaab dhacay, Dawo dhacday iyo fayo-dhawr la’aan midna aan tallaabo waafi ah ka qaadin, iyadoo ay meesha ka baxday isla xisaabtankii iyo ku dhaqankii sharciga ee Badbaadinta Caafimaadka Bulshadu.

Hayeeshee, haddii ay hawlgallada noocan ah u waddo si daacad ah, waxay horseed u noqon doonaan bad-qabka adeegyada Bulshadu sida joogtada ah ugu baahantay ee cuntooyinka, dawooyinka, sharaabbada iyo wixii la halmaala oo noqon doona kuwo waqti ahaan iyo nadaafad ahaanba sugan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.