Maxamed-ilkacase oo Talo u Jeediyey Madaxweyne Biixi iyo Guddoomiye Cirro

MAXAMED-ILKACASE OO TALO U JEEDIYEY MADAXWEYNE BIIXI IYO GUDDOOMIYE CIRRO 2019
MAXAMED-ILKACASE OO TALO U JEEDIYEY MADAXWEYNE BIIXI IYO GUDDOOMIYE CIRRO 2019

Nairobi(aftahannews):- Agaasimihii hore ee Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo arrimaha Bulshada Somaliland Maxamed Cilmi Aadan, ayaa talo u jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan-Cirro.

MAXAMED-ILKACASE OO TALO U JEEDIYEY MADAXWEYNE BIIXI IYO GUDDOOMIYE CIRRO 2019
MAXAMED-ILKACASE OO TALO U JEEDIYEY MADAXWEYNE BIIXI IYO GUDDOOMIYE CIRRO 2019

Waxa uu sidaa ku sheegay Qoraal uu soo gaadhsiiyey Warbaahinta aftahannews.com isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Waxaanu Qoraalkaas Ilkacase na soo gaadhsiiyey u dhignaa sidatan:-

“Talo bixin ku socota Madaxwayne Muuse Biix Cabdi iyo Gudoomiye Cabdiraxman Cirro:
Maxaa ka dhasha Muranka iyo khilaafka joogtada ah ee Baryahan Somaliland ku soo kordhay?

Khilaafka waa sunaha nolosha iyo aragti kala duwanaashuhu waana furaha Horumarka balse haduu joogto noqdo ama laga gudbi waayo wuxuu dhalaaa qodobadan goor ku qoran:

1.Niyad jab Bulshada ku dhaca iyo kala fogaansho
2.Beenta iyo dacaayad oo fara badata,taasi oo marka danbe la rumaysto
3.Waxaa hoos u dhaca dhaqaalaha oo shaki Baa ku yimaada maalgashiga iyo cidihii samayn lahaa mashaariicda horumarineed
4.Taasina waxay dhashaa busaarad baahsan oo saamaysa Bulshada iyo Dhaliga Dawladaba
5.Waxaa lags mashquulaaa shaqooyinkii socday iyo halw maalmeedka Qaranka iyo Kuwii Gaar ahaaba oo lagu mashquulaa khilaafkaa iyo iska caabinta.
6.Waxaa Dabca wada jirkiirkii umada iyo midnimadoodii waxaana ka faaiidaysta Cawadga
7.Aakhirka waxaa yimaada Isku dhac naf iyo maalba leh,oo Sababa khasaare wayn oo mudo badan aan laga soo kaban karin
8.Waxaa kharash badan oo aad Wanaag iyo Horumar ku isticmaali lahayd lagu bixiyaya Khilaafaadka iyo iska caabinta

Haddaba maxaa lagaga bixi karaa arrimahan?

1.Noocayda khilaaafdaka waxaa jira nooc la yidhaa ” Latent Conflict” oo macnaheedu yahay Laba biyo hoostood iska aragtay amma ” Majo Jiifta” amma “Wanjalaa Qaji” Noocaasi ma dhamaato waana joogto
2.Nooca kale waa nooc is muquunin ah oo cidi cid buquujiso oo isna ma dhamaato waayo cid baa tirsanaysa In xaqoodii aan la Marin.”Open Conflict”
3.Nooc kale waxa la yidhaa ” Win win situation” Oo waa Noocii Somaliland waligeedba lagu yaqaanay oo aha nooc labada geesoodba Guulaystaan ama la isticmaalo ” Consensus” oo ah nooca laga dhaxlo Wada jirka joogtada aha “Sustainable Unity”.

Hayeeshee, waxaan ku soo gebogebaynayaa Shalay oo kaliy intaa dhacday Waa Bilow leh laba dariiq.

1. Dariiqaa aan Kor ku soo sheegay ee ku danbeeya Burburka iyo
2.Dariiqa “Win win situation” waa in labada geesoodba guulastaan oo macnaheedu yahay QARNKAA GUULAYSTAY.

Allaah Xaqa ha Waafajiyo Madaxwaynaha iyo Guddoomiye Waddani, Somalilanda ha gaadhsiiyo wanaag, cadaalad iyo horumar Ictiraaf la wada leeyahay.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.