Wasiirka Maaliyadda oo G. Wakiillada u gudbiyey Miisaaniyaddii u badnayd ee Somaliland yeelato & Su’aalo la weydiiyey

Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa Oddoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka ee dowladda dhexe u gudbiyey Golaha Wakiillada.

Miisaaniyaddan ayaa ah tii 29-aad, isla markaana ah tii ugu badnayd ee ay 29-kaa sano ee jirtay Jamhuuriyadda Somaliland yeelato. Oddoroska Miisaniyadda 2020-ka, ayaa Caddadkeedu dhan yahay [2,751,304,880,098], (Laba Tiriliyan, Toddoba boqol kow iyo konton Bilyan, Saddex Boqol iyo Afar milyan, Siddeed boqol iyo siddeetan kun iyo siddeed iyo sagaashan shilin).

Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada Sharraxaad ka siiyey oddoroska meelaha loo qorsheeyey in dakhligu ka soo baxo iyo waxyaabaha kala duwan ee dhinacyada horumarka ugu jira miisaaniyadda 2020-ka. Waxaanu Wasiirku ka jawaabay Su’aalo ay Xildhibaannada qaarkood ka weydiiyeen Shaxda Miisaaniyadda ee uu u soo gudbiyey Salaasadii maanta.

Haddaba, Sharraxaadda Wasiirka iyo Jawaabaha uu ka bixiyey Su’aalaha laga weydiiyey Oddoroska Miisaaniyadda 2020-ka ee Qaranka Somaliland, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.