Taliyaha Booliska oo u Hanjabay Xisbiga Waddani, Kana Hadlay Khasaaraha Maanta ee Hargeysa

Hargeysa(aftahannews):- Taliyaha Ciidammada Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa ka Warbixiyey Khasaaraha ka dhashay iska hor-imaad ay kala hortageen Masuuliyiinta iyo Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo isugu imanayey Xaruntooda Hargeysa.

Taliyuhu waxa uu sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan oo lala xisaabtayo mid ka mid ah Askarta ilaalada u ah Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro oo uu sheegay inuu toogtay Askari ka tirsan Booliska.

Waxa uu Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Saqadhi Dabagale ku hanjabay inaanay aqbali doonin, oggolaanna doonin inay wax isu soo bax ah sameeyaan Taageerayaasha Xisbiga Waddani oo berri u ballansan inay xarumohooda magaalooyinka waawayn isugu yimaaddaan Salaasada Berri sida ay Hoggaanka Xisbiga ee heer Qaran illaa heer gobol warbaahinta u sheegeen maanta, taageerayaashoodana farriintaas Saxaafadda u mariyey.

Haddaba, Taliye Saqadhi Dabagale oo arrimahaas iyo kuwo kale ka hadlaya, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.