Somaliland: Cirro Hadlay + Taliska Booliska Oo Jawaabay + Horn Cable Tv Oo Albaabadda Loo Laabay Iyo Wararkii U Dambeeyey

Hargeysa (Aftahannews) – Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa iyo Burco ayaa waxa ka dhacay isku-soobaxyo ay sameeyeen taageereyaasha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, kuwaas oo guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo maalintii shalay u sheegay inay yimaaddaan xarumaha xisbiga.

Magaalada Hargeysa ayay ciidamada Boolisku xalay isku-xeereen xarunta xisbiga WADDANI ee xaafadda New Hargeysa ee bariga magaalada, waxaana dhagaxaan ay ku jireen saddexda waddo ee xafiiska yimaadda si ay uga hor joogsadaan hoggaanka xisbiga iyo taageereyaashu inay halkaas iskugu yimaaddaan, hase yeeshee guddoomiye Cirro oo ay wehelinayeen masuuliyiinta ugu sarraysa xisbiga ayaa socod lugayn ah ku tegay xafiiskooda, halkaas oo uu ka jeediyey hadal ku saabsan xaaladda kacsan ee maanta dalku ku jiro isagoo xukuumadda ku eedeeyey cabudhin, digtaatooriyad iyo inay ka hor istaagayso xuquuqihii ay distoorka iyo xeerarku dalku siiyeen xisbi ahaan, kuwaas oo dhamaantood u ogolaanaya in xisbiyadu taageereyaashooda ugu yeedhaan xafiisyadooda oo ay kula hadlaan.

Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu ka hadlay Xoghayihii xisbiga WADDANI iyo Afhayeenkii oo xalay xabsiga loo taxaabay, kuwaas oo aanay wali xukuumaddu ka hadal sababta ay u xidhay.

Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland ayaa saaka albaabada u laabtay Telefishanka HCTV oo xaruntiisa guud ay tahay magaalada Hargeysa, waxaana maamulka TV-gu ay sheegeen in Wasiirka Warfaafintu ku wargeliyey inuu isagu xayiraad kusoo rogay, taas oo iyaduna kasoo horjeedda sharciga iyo xeerarka dalka oo aan u ogoleyn wasiirka inuu xayiraad saari karo xarun warbaahineed.

Sidoo kale, ciidamada ammaanka ayaa waxay saaka xidheen wariyeyaal ka hawl-gala telefishanka HCTV sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha TV-ga Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo sidoo kale tilmaamay in arrintani tahay cabudhin iyo gef cad oo xukuumaddu gelayso oo ah ku-tumasho sharciga iyo xeerarka dalka.

Waxa kale oo saaka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Generaal Daba-gale oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyey xisbiga WADDANI rabshad inay amniga khalkhal gelinayaan, waxaana uu sheegay in askari ka tirsan ilaalada Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu saaka rasaas ku riday sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska, halka askari kalena dhagax lagu dhuftay oo uu dhaawac yahay.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa cambaareeyey xadhiga ay xukuumaddu u geysatay wariyeyaasha iyo xayiraadda Telefishanka HCTV, waxaana uu tilmaamay in sifo sharciga baalmarsan loo maray tallaabooyinka ay xukuumaddu qaaday.
Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ayaa taageereyaasha xisbiga u sheegay in maalinta berri ah ay samayn doonaan isku-soobaxyo waaweyn oo ay ka dhigi doonaan dhamaan magaalooyinka dalka.