Faysal Cali Waraabe oo Ka Hadlay Xadhigga Madaxda Waddani iyo Kulan uu Madaxweynaha la yeeshay Caawa

Hargeysa(aftahannews):-  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Cambaareeyey Xadhigga Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ay Xukuumadda Somaliland oo Booliska adeegsanaysaa kula kaceen fiidkii caawa, waxaanu sheegay inuu isla caawa Faysal ahaan kulan la yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay inaanay Madaxda Waddani wax lagu xidho samaynin, bannaanbax ay sameeyeenna jirin, balse ay ahayd in lala sugo haddii ay ku kacaan wax ay xadhig ku mutaystaan, hase-yeeshee, xadhiggu in dadku kacaan uun uu soo kordhinayo ee aanu xal ahayn.

Waxa uu Faysal ku dooday inaan loo baahnayn in hal qof oo Komishan lagu daray Qaranka iyo dalka toona aanay mudnayn in dhibaato u soo gaadho. Waxaanu Xisbiga Waddani ugu baaqay inaanay ka degdeg xalka Xisbiga UCID, gaar ahaan Guddoomiye ahaan uu ku maqan yahay.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo caawa la hadlay BulshoTV isagoo ku sugan magaalada Hargeysa, waxaannu warkiisa uu arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlayo oo faahfaahsan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.